1¶ Ciise intuu socday, wuxuu arkay nin indhala'aan ku dhashay.
2Xertiisu waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, yaa dembaabay, ma kan baa mise waa waalidkiis, inuu indhala'aan ku dhasho?
3Ciise ayaa ugu jawaabay, Ninkan iyo waalidkiis midna ma dembaabin, laakiin waa in shuqullada Ilaah lagu muujiyo isaga.
4Waa inaan samayno shuqullada kii i soo diray intay maalin tahay; habeen baa imanaya mar aan ninna shaqayn karin.
5Intaan dunida joogo, waxaan ahay nuurkii dunida.
6Markuu sidaas yidhi, ayuu dhulka candhuuf ku tufay, oo candhuuftii dhoobo ka sameeyey, markaasuu dhoobadii wuxuu mariyey ninkii indhihiisii,
7oo ku yidhi, Bax oo ku soo maydho balliga Siloo'am la yidhaahdo (oo fasirkiisii yahay, Waa la diray). Wuu tegey haddaba oo soo maydhay, markaasuu yimid isagoo wax arkaya.
22Waxyaalahaas waxay waalidkiis u yidhaahdeen, waayo, Yuhuudday ka baqeen. Maxaa yeelay, Yuhuuddu waxay mar hore ku heshiiyeen in qof uun hadduu u qirto inuu yahay Masiixa, sunagogga laga saaro.
23Sidaa aawadeed waalidkiis waxay ku yidhaahdeen, Waa nin weyn ee weyddiiya isaga.
24¶ Haddaba mar labaad ayay ninkii indhaha la'aa u yeedheen oo ku yidhaahdeen, Ilaah ammaan. Waxaannu garanaynaa inuu ninkanu dembi leeyahaye.
26Waxay haddaba ku yidhaahdeen, Muxuu kugu sameeyey? Sidee buu indhahaaga u furay?
27Wuxuu ugu jawaabay, Horaan idiinku sheegay, mana aydnaan maqlin. Maxaad u doonaysaan inaad mar kale maqashaan? Idinkuna ma waxaad doonaysaan inaad xertiisa noqotaan?