19Ciise ayaa garanayay inay doonayeen inay wax weyddiiyaan, oo wuxuu ku yidhi, Ma waxaad isweyddiinaysaan xaalkan aan idhi, In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan?
27Waayo, Aabbaha qudhiisu wuu idin jecel yahay, maxaa yeelay, waad i jeclaateen, oo waadna rumaysateen inaan xagga Ilaah ka imid.
28Aabbaha ayaan ka imid oo dunida imid. Haddana waan ka tegayaa dunida oo Aabbahaan u tegayaa.
29¶ Xertiisii ayaa ku tidhi, Bal eeg, bayaan baad hadda u hadlaysaaye, oo masaal ku hadli maysid.
30Imminka waannu garanaynaa inaad wax walba taqaan, oo aadan u baahnayn qofna inuu wax ku weyddiiyo. Taas aawadeed waannu rumaysan nahay inaad Ilaah ka timid.
31Ciise ayaa ugu jawaabay, Hadda ma rumaysan tihiin?
32Ogaada, saacaddii baa imanaysa, waana timid, kolkaad u kala firdhi doontaan mid kasta xaggiisa, anna keligay baad iga tegi doontaan, oo weliba keligay ma ihi, waayo, waxaa ila jooga Aabbaha.
33Waxyaalahaas waxaan idiinkula hadlay inaad nabad igu haysataan. Dunida ayaad dhib kala kulantaan, laakiinse kalsoonaada, anaa ka adkaaday dunidaye.