6Oo qolladahana waxay ahaayeen saddex dabaqadood oo midba mid ka sarrayso, oo dabaqad kastaaba waxay ahayd soddon qolladood, oo waxay ku yiilleen derbigii qolladaha ee daarta ku wareegsanaa, si ay u qabsadaan aawadeed, laakiinse iyagu daarta derbigeeda kuma ay oollin.
7Oo qolladuhuna way sii ballaadheen inay daarta kor ugu sii wareegayeen, waayo, wareegga daarta kor buu u sii kacay isagoo daarta ku wareegsan, sidaas daraaddeed daarta ballaadhkeedu xagga saruu u sii socday, oo waxaa qowladda ugu hoosaysa iyo tan ugu sarraysa lagaga fuulay qowladda dhexe.
8Haddana waxaan arkay inay daartu ku dhisnayd meel sallax ah oo sare oo ku wareegsanayd, oo aasaaska qolladaha dhererkiisu wuxuu ahaa cawsduur kaamil ah oo ah lix dhudhun oo dhaadheer.
14Oo ballaadhka daarta horteeda iyo meeshii goonida ahayd ee xagga bari u jeedday waxay ahaayeen boqol dhudhun.
15¶ Oo haddana wuxuu qiyaasay dhererkii dhismihii ka soo hor jeeday meeshii goonida ahayd oo xagga dambe jirtay, iyo balbalooyinkeedii dhinacan iyo dhinacaasba ka xigay, oo waxay ahaayeen boqol dhudhun, oo waxaa weheliyey macbudkii hoose iyo balbalooyinkii barxadda,
16iyo marinnadii albaabbada, iyo daaqadihii cidhiidhsanaa, iyo balbalooyinkii ku wareegsanaa saddexdooda dabaqadoodba, oo marinka albaabka ka soo hor jeedayba waxaa lagu dahaadhay alwaax ku wareegsan tan iyo dhulka iyo ilaa daaqadaha inta ka dhex leh, (oo daaqaduhuna way dednaayeen),
17iyo albaabka dushiisa, iyo xataa daarta gudaheeda iyo dibaddeeda, iyo derbiga ku wareegsan gudaha iyo dibaddaba, qiyaas buu ku qiyaasay.
18Oo waxaa lagu sharraxay keruubiim iyo geedo timireed, oo geed timireedba wuxuu ku dhex yiil laba keruub, oo keruub kastaaba wuxuu lahaa laba weji.
19Oo mid nin wejigiis u egu wuxuu u sii jeeday geedka timireed ee dhinacan ku yaal xaggiisa, oo mid aaran libaax wejigiis u eguna wuxuu u sii jeeday geedka timireed ee dhinaca kale ku yaal xaggiisa, oo daarta hareereheeda oo dhanna saasaa lagu wada sameeyey.
20Oo dhulka iyo albaabka korkiisa inta ka dhex leh waxaa lagu sameeyey keruubiim iyo geedo timireed, oo derbiga macbudkana sidaas oo kale waa loo sharraxay.
21Oo macbudka tiirarkiisuba waxay ahaayeen afar gees, oo meesha quduuska ah horteeduna way u ekayd.