1¶ Sannaddii shan iyo labaatanaad ee maxaabiisnimadayada, sannadda bilowgeedii, bisha maalinteedii tobnaad, sannaddii afar iyo tobnaad markii magaalada la qabsaday dabadeed, isla maalintaas qudheeda waxaa i dul saarnayd gacantii Rabbiga, oo halkaas buu i keenay.
2Waxyaalihii Ilaah i tusay wuxuu igu geeyey dalkii reer binu Israa'iil, oo wuxuu i saaray buur aad u dheer, taasoo dhankeeda koonfureed ay wax magaalo dhismeheed u eg ku yiilleen.
3Oo isagu halkaasuu i geeyey, oo bal eeg, waxaa meeshaas joogay nin naxaas u eg, oo gacanta ku haysta xadhig laga sameeyey geed linen la yidhaahdo, iyo cawsduur wax lagu qiyaaso, oo iridduu soo istaagay.
4Oo ninkii wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxyaalaha aan ku tusi doono oo dhan indhaha ku fiiri, oo dhegaha ku maqal, oo qalbiga geli, waayo, waxaa halkan laguu keenay inaan waxyaalahan ku tuso. Oo wax alla wixii aad aragtid oo dhanba reer binu Israa'iil u sheeg.
10Oo iridda xagga bari qolladeheedana waxay ahaayeen saddex dhinac ku taal iyo saddex dhinaca kale ku taal, oo saddexdooduba isku qiyaas bay ahaayeen, oo tiirarkuna dhankan isku qiyaas bay ku lahaayeen oo dhanka kalena isku qiyaas bay ku lahaayeen.
21Oo qolladaheeduna waxay ahaayeen saddex dhinac ku taal iyo saddex dhinaca kale ku taal, oo tiirarkooda iyo meelahooda dedan waxay la qiyaas ahaayeen iridda kowaad. Dhererkoodu wuxuu ahaa konton dhudhun, oo ballaadhkooduna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun.
22Oo daaqadahooda, iyo meelahooda dedan, iyo geedahooda timireedba waxay la qiyaas wada ahaayeen qiyaastii iriddii xagga bari u sii jeedday, oo waxaa loo fuulay jaranjarro toddoba tallaabo ah, oo meelahooda dedanna way ku hor yiilleen.
23Oo barxadda hoose iriddeeduna waxay ka soo hor jeedday iriddii kale oo xagga woqooyi iyo xagga bari jirtay, oo irid ilaa iridda kale ayuu qiyaasay, waxayna ahayd boqol dhudhun.
24¶ Oo haddana wuxuu i geeyey xaggii koonfureed, oo bal eeg, waxaa ku tiil irid xagga koonfureed u sii jeedda, oo tiirarkeedii iyo meelaheedii dednaa wuxuu u qiyaasay sidii ay qiyaastaasu ahayd oo kale.
26Oo waxay lahayd jaranjarro toddoba tallaabo ah oo loo fuulo, oo meelahooda dedanna way ku hor yiilleen, oo waxay lahayd geedo timireed oo mid dhinacan kaga yaal, midna dhinacaas kaga yaal, oo tiirarkeeda ku xardhan.
27Oo barxadda hoosena waxaa ku dhex yiil irid xagga koonfureed u sii jeedday, oo irid ilaa iriddeeda kale ayuu xagga koonfureed u qiyaasay, waxayna ahayd boqol dhudhun.
28¶ Markaasuu barxaddii hoose oo iridda koonfureed ku ag tiil i geeyey, oo iriddii koonfureedna sida qiyaastaas oo kaluu u qiyaasay.
38¶ Oo waxaa jirtay qollad albaabkeedu ku ag yiil tiirarka irdaha, oo halkaasaa qurbaanka la gubo lagu maydhay.
39Oo balbalada iridda dhinaceedan waxaa yiil laba miis, oo dhinaceedaasna waxaa yiil laba miis, si korkooda loogu gowraco qurbaanka la gubo, iyo qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka xadgudubka.
40Oo dhanka dibadda ah ee kadinka iridda woqooyi loo maro waxaa yiil laba miis, oo dhanka kale oo balbalada iridda u dhowna waxaa yiil laba miis oo kale.
41Iridda dhinacan waxaa yiil afar miis, oo dhinacaasna waxaa yiil afar miis oo kale, kuwaasoo ahaa siddeed miis oo allabaryada lagu dul gowracay.
42Oo waxaa jiray afar miis oo dhagax la qoray laga sameeyey oo allabariga la gubo lagu dul diyaariyo, oo dhererkoodu wuxuu ahaa dhudhun iyo badh, ballaadhkooduna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh, sarajooggooduna wuxuu ahaa dhudhun, oo korkoodana waxaa la saari jiray alaabta qurbaanka la gubo iyo allabariga lagu qalo.
44¶ Oo iridda hoose dibaddeedana waxaa ku yiil qolladihii kuwa gabya oo barxadda hoose ku yiil, oo mid waxay ku ag tiil iridda woqooyi oo waxay u sii jeedday xagga koonfureed, oo tanna waxay ag tiil iridda bari oo waxay u sii jeedday xagga woqooyi.