5Waxaad soo wadataan adhiga jarkiisa, oo waxaad hoostiisa ku gurtaan lafaha, oo si wanaagsan u kariya, oo lafihiisana ku dhex kariya.
6¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogtay magaalada dhiigga qabta, taasoo ah digsiga miridhkiisu ku jiro, oo aan miridhkiisu ka bixin! Cadcad u soo bixiya, iyadoo aan saami lagu bixin.
7Waayo, dhiiggeedii dhexdeeduu yaal. Waxay kor saartay dhagax diiran, oo dhulkana kuma ay daadin si ay ciid ugu daboosho aawadeed.
8Inay cadho ugu soo kacdo oo ay ka aarsato ayaan dhiiggeedii dhagax diiran dul saaray si uusan u daboolmin.
10Qoryo ku sii gur, oo dabka sii shid, oo hilibka aad u kari, oo maraqana xawaash ku shub, oo lafuhuna ha gubteen.
11Markaas digsiga oo madhan dhuxusha shidan saar si uu u kululaado, oo ay naxaastiisu u gubato, oo ay wasakhdiisu gudihiisa ugu dhalaasho oo uu miridhkiisuna u baabba'o.
12Iyadu si aan waxba tarayn ayay isu daalisay, oo miridhkeeda badanna iyada kama uu baxo, oo miridhkeeda dabka kagama baxo.
13Wasakhdaada shar baa ku jira, maxaa yeelay, waan ku nadiifiyey laakiinse waad nadiifsanaan weyday, haddaba innaba wasakhdaada kama aad nadiifsami doontid jeeraan cadhadayda kugu dhammaystiro.
14Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay. Saasay noqon doontaa, oo taasaan samayn doonaa. Innaba dib ugama aan noqon doono, mana tudhi doono, oo innaba kama aan soo noqon doono. Siday jidadkaagu ahaayeen iyo siday falimahaagu ahaayeen ayay kuu xukumi doonaan ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
15¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
16Wiilka Aadamow, bal ogow, waxaan darbad qudha kaaga qaadayaa tii ay indhahaagu jecel yihiin, laakiinse ha u barooran, hana u ooyin, oo ilmadaaduna innaba yaanay u daadan.
17Taah, laakiin si aamusan u taah, oo baroorasho kuwii dhintay loo baroorto ha u barooran. Duubkaaga madaxa ku duubo, oo kabaha gasho, oo bushimahaagana ha daboolin, oo kibista dadkana innaba ha cunin.
18Markaasaan aroortii dadkii la hadlay, makhribkiina naagtaydii way dhimatay, oo aniguna sidii laygu amray ayaan subaxdii yeelay.
19Oo markaasaa dadkii waxay igu yidhaahdeen, War maad noo sheegtid waxan aad samaynaysid ulajeeddadooda?
20Markaasaan ugu jawaabay, Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
21Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, meeshayda quduuska ah ayaan nijaasayn doonaa, taasoo ah faankii xooggiinna iyo waxa ay indhihiinnu jecel yihiin, iyo waxa ay naftiinnu u naxdo; oo wiilashiinna iyo gabdhihiinna aad ka tagteenna seef bay ku le'an doonaan.
22Oo idinkuna sidaan yeelay oo kale ayaad yeeli doontaan. Bushimihiinna ma aad dabooli doontaan, oo kibista dadkana ma aad cuni doontaan.
23Oo duubabkiinnu madaxay idiinku duubnaan doonaan, oo kabihiinnuna cagahay idiinku jiri doonaan. Ma aad barooran doontaan, mana aad ooyi doontaan, laakiinse xumaatooyinkiinna baad la macaluuli doontaan, oo midkiinba kan kaluu ku musannaabi doonaa.