1¶ Reer Benyaamiinow, Yeruusaalem dhexdeeda ka carara, oo buunka Teqooca ka yeedhiya, oo Beyd Hakeremna calaamad kor uga qaada, waayo, waxaa xagga woqooyi ka soo socda masiibo iyo halligaad weyn.
6Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu yidhi, Dhirteeda jara, oo Yeruusaalem tuulmo ku tuula, waayo, tanu waa magaalada la ciqaabayo, oo waxaa ka buuxa dulmi miidhan.
7Sidii ili biyaheeda u soo burqiso oo kale ayay sharnimadeeda u soo burqisaa had iyo goorba, dhexdeedana waxaa laga maqlaa dulmi iyo kharribaad, oo had iyo goorna waxaa hortayda yaal cudur iyo nabro.
8Yeruusaalemay, si aan naftaydu kaaga tegin, oo aanan kaaga dhigin cidlo iyo dal aan ciduna degganayn, edeb qaado.
9¶ Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Kuwa dadka Israa'iil ee hadhay waxaa loo wada xaabxaabi doonaa sida geedcanab oo kale, Sida mid canab guranaya oo kale gacanta dambiisha ku soo celiya.
10Inay i maqlaan bal yaan la hadlaa oo aan u digaa? Bal eega, dhegahoodu ma xalaalaysna, oo waxba ma ay maqli karaan. Bal eega, erayga Rabbigu cay buu iyaga u noqday, oo innaba kuma ay farxaan.
11Sidaas daraaddeed waxaa iga buuxda cadhadii Rabbiga, oo inaan isceliyo waan ku daalay. Haddaba cadhadii ku deji carruurta jidka joogta iyo shirka barbaarrada oo dhan, waayo, xataa nin iyo naagtiisaba waa la kaxayn doonaa, oo odayga iyo kan cimriga dheerba waa la isla wada kaxayn doonaa.
12Oo guryahooda, iyo beerahooda, iyo naagahoodaba kuwa kalaa la siin doonaa dhammaantoodba, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan gacantayda ku fidin doonaa dadka dalka deggan.
13Waayo, kooda ugu yar ilaa kooda ugu weyn midkood kastaaba wuxuu u go'ay damacxumaan, oo nebiga iyo xataa wadaadka inta ka dhexle midkood kastaaba been buu ku macaamiloodaa.
14Oo iyagu dhaawicii dadkayga ayay si fudud u bogsiiyeen, oo iyadoo aan innaba nabadu jirin ayay yidhaahdaan, Waa nabad! Waa nabad!
15Markay karaahiyada sameeyeen miyey xishoodeen? Maya, innaba ma ay xishoon, ceebna ma garan, sidaas daraaddeed waxay la dhici doonaan kuwa dhacaya. Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigii aan iyaga soo ciqaabo ayay hoos u dhici doonaan.
16¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Jidadka dhex istaaga, oo bal wax fiiriya, oo bal dhabbayaashii hore haybsada, oo waxaad tidhaahdaan, Meeh jidkii wanaagsanaa? Oo markaas ku socdaa, oo naftiinna nasashaad u heli doontaan. Laakiinse iyagu waxay yidhaahdeen, Annagu ku socon mayno jidkaas.
18Sidaas daraaddeed, quruumahow bal maqla, oo ururkow, bal ogow waxa kuwan ku dhici doona.
19Dhulkow, bal maqal, oo bal ogow, dadkan masiibaan ku soo dejin doonaa taasoo ah waxay fikirradoodii keeneen, waayo, erayadaydii ma ayan dhegaysan, sharcigaygiina way diideen.
20Fooxa Shebaa ka yimid iyo qasabka macaan ee dal fog laga keenay maxay ii taraan? Qurbaannadiinna la gubo aqbali maayo, oo allabaryadiinnuna iga farxin maayaan.
21Oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan dadkan hor dhigi doonaa wax lagu turunturoodo, oo aabbayaasha iyo wiilashuba way ku wada turunturoon doonaan, oo deriska iyo saaxiibkiisba way wada halligmi doonaan.
22¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, dadyow baa dalka woqooyi ka iman doona, oo quruun weyn ayaa dhulka darafyadiisa ka soo kici doonta.
23Oo waxay sitaan qaansooyin iyo warmo, oo waa calool adag yihiin, oo innaba naxariis ma leh. Codkoodana waxaa la moodaa sida bad guuxaysa oo kale, oo farday fuulaan. Siyoonay, mid kastaaba wuxuu kuugu soo safan yahay sida nin dagaal diyaar u ah oo kale.