1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid waagii Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon, iyo ciidankiisii oo dhan, iyo boqortooyooyinkii dunida oo taliskiisa ku jiray oo dhan, iyo dadkii oo dhammuba ay la dirirayeen Yeruusaalem iyo magaalooyinkeedii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi,
2Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Tag oo Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, magaaladan waxaan ku ridi doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna dab buu ku gubi doonaa.
8¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid markii Boqor Sidqiyaah uu dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhan axdi la dhigtay dabadeed. Axdigaasuna waa in xorriyad loogu dhawaaqo,
9in nin kastaaba xoreeyo addoonkiisii Cibraaniga ah ama addoontiisii Cibraaniyadda ah, iyo inuusan ninna addoonsan walaalkiisa Yuhuudi ah.
10Haddaba amiirradii iyo dadkii axdiga galay oo dhammu markay maqleen inay nin kasta waajib ku tahay inuu xoreeyo addoonkiisa iyo addoontiisaba, iyo inaan ninna iyaga mar dambe addoonsan ayay amarkaas addeeceen oo way sii wada daayeen iyagii.
11Laakiinse markaas dabadeed ayay ku noqdeen, oo waxay soo ceshadeen addoommadii ay mar hore sii daayeen, oo iyagay u gumaysteen inay addoommo u sii ahaadaan.
13Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu axdi baan awowayaashiin la dhigtay maalintii aan iyaga dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga ka soo bixiyey, oo waxaan ku idhi,
14Markay toddoba sannadood dhammaystaan midkiin kastaaba ha sii daayo walaalkiisa Cibraaniga ah oo is-iibiyey, oo markuu kuu adeego lix sannadood waa inaad isaga sii daysaa isagoo xor kaa ah. Laakiinse awowayaashiin ima ay maqlin, oo dhegna iima ay dhigin.
16Laakiinse intaad iga noqoteen ayaad magacaygii nijaasayseen, oo ninkiin kastaaba wuxuu soo ceshaday addoonkiisii iyo addoontiisii uu ikhtiyaarkooda ku xoreeyey, oo waxaad ku soo celiseen gumaysi inay addoommo idiin sii ahaadaan.
17Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku ima aydaan maqlin, in nin kastaa xorriyad ugu dhawaaqo walaalkiis iyo deriskiisa. Bal ogaada, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan idinku dhawaaqayaa xorriyad, taasoo ah in seef, iyo belaayo, iyo abaaru ay idin baabbi'iyaan, oo waxaan idinka dhigi doonaa inaad boqortooyooyinkii dunida oo dhan hore iyo dib ku dhex rogrogmataan.
18Oo nimankii axdigayga ku xadgudbay, oo aan oofin erayadii axdiga ee ay hortayda ku galeen markay weysha laba u kala gooyeen oo ay qaybaheedii kala dhex mareen,
22Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu waan amri doonaa oo waxaan ka yeeli doonaa inay magaaladan ku soo noqdaan, wayna la diriri doonaan, oo qabsan doonaan, oo dab bay ku gubi doonaan, oo waxaan magaalooyinka dalka Yahuudah ka dhigi doonaa cidla' aan ciduna degganayn.