1¶ Bilowgii boqornimadii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah ayaa erayganu xagga Rabbiga ka yimid, isagoo leh,
2Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad istaagtaa guriga Rabbiga barxaddiisa, oo dadka magaalooyinka dalka Yahuudah oo u yimid inay Rabbiga gurigiisa ku caabudaan oo dhan la hadal, oo erayada aan kugu amro inaad kula hadashid erayna ha ka reebin.
3Mindhaa waxaa suurtowda inay ku maqlaan oo mid kastaaba ka soo noqdo jidkiisa sharka ah, inaan anigu ka soo noqdo masiibadii aan u qasdiyey inaan iyaga ku sameeyo sharka falimahooda aawadiis.
4Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad i maqli weydaan si aad ugu socotaan sharcigayga aan idin hor dhigay,
5oo aad u maqashaan erayada nebiyada addoommadayda ah oo aan idiin soo diro, anigoo goor wanaagsan idiin soo diraya, laakiin innaba ma aydaan dhegaysan,
10¶ Oo amiirradii dalka Yahuudahna markay waxyaalahaas maqleen ayay gurigii boqorka ka soo bexeen oo waxay yimaadeen gurigii Rabbiga, wayna fadhiisteen meesha laga soo galo iridda cusub ee guriga Rabbiga.
11Markaasaa wadaaddadii iyo nebiyadii la hadleen amiirradii iyo dadkii oo dhan, oo waxay yidhaahdeen, Ninkanu dhimashuu istaahilaa, waayo, magaaladan ayuu wax ka sii sheegay sidii idinkuba aad dhegihiinna ku maqasheen.
12Markaas Yeremyaah wuxuu la hadlay amiirradii oo dhan iyo dadkii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga ayaa ii soo diray inaan gurigan iyo magaaladanba ka sii sheego erayadii aad maqasheen oo dhan.
15Laakiinse bal si xaqiiq ah u ogaada, haddaad i dishaan, waxaad nafsaddiinna iyo magaaladan iyo dadka degganba u soo jiidaysaan dhiig aan xaq qabin, waayo, sida runta ah Rabbiga ayaa ii soo diray xaggiinna inaan dhegihiinna oo dhan erayadan maqashiiyo.