📖 Yacquub 3
-
1
¶ Macallimiin badan ha noqonina, walaalahayow, idinkoo garanaya inaynu heli doonno xukun ka sii weyn.
-
2
Waayo, dhammaanteen wax badan baynu ku gafnaa. Haddii nin ku gafi waayo hadalka, kaasu waa nin kaamil ah, wuuna xakamayn karaa jidhka oo dhan.
-
3
Haddaba haddaynu fardaha afkooda xakame gelinno inay ina addeecaan, jidhkooda oo dhanna waynu jeedinnaa.
-
4
Ogaada, xataa doonniyaha, in kastoo ay waaweyn yihiin, oo dabaylo waaweynu kaxeeyaan, weliba waxaa loogu jeediyaa shukaan aad u yar meeshii ninka wada qushigiisu doonayo.
-
5
Sidaas oo kalena carrabku waa qayb yar, waxyaalo waaweyn buuna ku faanaa. Bal eega dab yaru intuu qoryo shido.
-
6
Carrabkuna waa dab, waana dunida xaqdarrada. Carrabku wuxuu ku dhex jiraa xubnaheenna, waana kan wasakheeya jidhka oo dhan oo ololiya orodka abuurista, oo jahannamadu isagay ololisaa.
-
7
Cayn walba oo ah dugaag, iyo haad, iyo waxa bogga ku gurguurta, iyo waxa badda ku jiraba waa la rabbeeyaa, oo waxaa lagu rabbeeyey dabiicadda dadka.
-
8
Laakiin ninna ma rabbayn karo carrabka; waa shar rogrogmada, oo waxaa ka buuxda sunta wax disha.
-
9
Isla isagaynu ku ammaannaa Rabbiga iyo Aabbaha, oo isla isagaynu ku habaarnaa dadka Ilaah ekaantiisa laga abuuray.
-
10
Isku af baa waxaa ka soo baxa ammaan iyo habaar. Walaalahayow, waxyaalahanu waa inaanay sidaas noqon.
-
11
Ishu miyey isku meel ka soo wada daysaa biyo macaan iyo kuwa qadhaadh?
-
12
Walaalahayow, geed berde ahu miyuu dhali karaa saytuun, ama geed canab ahu miyuu dhali karaa midho berde ah? Sidaas oo kalena biyo dhanaanu macaan ma ay noqon karaan.
-
13
¶ Kumaa idinku dhex jira oo xigmad iyo waxgarasho leh? Shuqulladiisa ha ku muujiyo dabiicaddiisa wanaagsan, isagoo leh qabowga xigmadda.
-
14
Haddaad xaasidnimo qadhaadh iyo iskala qaybqaybin ku haysataan qalbigiinna, ha faanina, runtana been ha ka sheegina.
-
15
Xigmaddaasu ma aha tan kor ka soo degta, laakiin waa tan dhulka iyo nafta iyo jinniyada.
-
16
Waayo, meeshii xaasidnimo iyo iskala qaybqaybinu ku jiraan, meeshaas waxaa ku jira iskuqasnaan iyo falniin kasta oo shar leh.
-
17
Laakiin xigmaddii kor ka timaadaa horta waa daahir, dabadeedna waa nabad iyo qabow iyo mid si dhib yar loola heshiiyo, oo waxaa ka buuxa naxariis iyo midho wanaagsan, mana leh u-kala-eexasho ama labaweji.
-
18
Midhaha xaqnimada nabad waa loogu beeraa kuwa nabadda ka shaqeeya.