1¶ Meeshayda aan wax ka dhawro ayaan istaagi doonaa, qalcaddana waan isa saari doonaa, waanan u fiirin doonaa bal waxa uu igula hadli doono, iyo waxa aan uga jawaabi doono cabashadayda.
2¶ Oo Rabbigu wuu ii jawaabay, oo wuxuu igu yidhi, Waxa lagu tusay qor, oo looxyo ku caddee, si kii akhristaaba u ordo.
3Waayo, wixii lagu tusay waa weli, oo waxay iman doonaan wakhtigii la yidhi, wayna u degdegaan ugudambaysta, oo innaba been ma sheegi doonaan. In kastoo ay raagaan waa inaad sugtaa, maxaa yeelay, sida xaqiiqada ah way noqon doonaan, oo innaba ma raagi doonaan.
4Bal eega, kan madaxa weynaaday naftiisii way kibirtay, oo ma toosna, laakiinse kii xaq ahu rumaysadkiisa buu ku noolaan doonaa.
5Haah, oo weliba khamrigu wax buu khiyaanaa, oo nin isla weynu gurigiisa kuma xasillo. Wuxuu xiisihiisa u ballaadhiyaa sida She'ool oo kale, oo isagu waa sida geerida oo kale oo innaba lama dherjin karo, laakiinse wuxuu soo urursadaa quruumaha oo dhan, oo wuxuu isu geeystaa dadyowga oo dhan.