10Oo maalinta siddeedaad waa inuu laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar wadaadka ugu keenaa iridda teendhada shirka.
11Oo markaas wadaadku waa inuu mid u bixiyaa qurbaan dembi, midka kalena qurbaan la gubo, oo waa inuu isaga u kafaaro gudaa, waayo, wuu ku dembaabay meyd, oo isla maalintaas waa inuu madaxiisa quduus ka dhigaa.
12Oo waa inuu Rabbiga gooni isugu soocaa maalmaha isa-soociddiisa oo dhan, oo waa inuu qurbaan xadgudub u keenaa wan gu jir ah, laakiinse waa inaan maalmihii hore loo tirin, maxaa yeelay, isa-soociddiisii way nijaasowday.
13¶ Oo kanu waa sharciga Nadiirka ku saabsan; markii maalmihii isa-soociddiisu ay dhammaystirmaan waa in isaga la keenaa iridda teendhada shirka,
14oo waa inuu qurbaankiisa Rabbiga u bixiyaa. Wan yar oo gu jir ah oo aan iin lahayn waa inuu qurbaan la gubo u bixiyaa, oo uu sabeen gu jir ah oo aan iin lahaynna qurbaan dembi u bixiyaa, oo wan weyn oo aan iin lahaynna qurbaanno nabaadiino u bixiyaa,
22¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
23Haaruun iyo wiilashiisa la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Idinku waa inaad sidan reer binu Israa'iil ugu ducaysaan, oo waxaad midkood kasta ku tidhaahdaan,
24¶ Rabbigu ha ku barakeeyo, oo ha ku dhawro.
25¶ Rabbigu wejigiisa ha kugu iftiimiyo, oo ha kuu roonaado.
26¶ Rabbigu jaahiisa kor ha kuugu qaado, oo nabadna ha ku siiyo.
27¶ Oo sidaas waa inay magacayga u saaraan reer binu Israa'iil, oo anna iyaga waan barakayn doonaa.