8oo markaas waa inay dushooda maro cas ku kala bixiyaan oo ay isla taasna dedka ah haragga adhidibadeedka ku daboolaan, oo ay markaas ulaha lagu qaado sudhaan.
9Oo markaas waa inay maro buluug ah qaadaan oo ay ku daboolaan laambadda iftiinka, iyo laambadaheeda, iyo birqaabyadeeda, iyo alaabteeda lagu safeeyo, iyo weelasha saliidda oo dhan oo ay kaga adeegaan.
17¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,
18Reer Qohaad qolooyinkooda ha ka gooynina reer Laawi dhexdooda,
19laakiinse sidan ku sameeya si ay u noolaadaan oo aanay u dhiman markay u soo dhowaadaan waxyaalaha ugu wada quduusan. Haaruun iyo wiilashiisu waa inay gudaha galaan, oo ay iyaga u amraan hawshooda iyo waxqaadkooda,
20laakiinse iyagu waa inaanay xataa daqiiqad u gelin inay waxyaalaha quduuska ah arkaan, yaanay dhimane.
21¶ Oo haddana Rabbigu Muusuu la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
22Reer Gershoonna qolo qolo iyo reer reer u soo tiri.
23Intii soddon sannadood jirta iyo intii ka sii weyn ilaa tan iyo konton jirka waa inaad soo tirisaa, kulli inta hawsha gasha si ay shuqulka teendhada shirka u sameeyaan.
26iyo daahyada barxadda, iyo ilxidhka iridda barxadda ku ag taal taambuugga iyo meesha allabariga ee ku wareegsan, iyo xadhkahooda, iyo alaabta hawshooda oo dhan, oo wax alla wixii iyaga lagu sameeyo oo dhan, xaggooda waa inay kaga adeegaan.
27Oo reer Gershoon waa inay amarka Haaruun iyo wiilashiisa ku qabtaan waxa ay qaadaan iyo shuqulka ay qabtaan oo dhan; oo idinku waa inaad ku amartaan waxay qaadayaan.
28Oo tanuna waa qolooyinka reer Gershoon hawshooda ku saabsan teendhada shirka; oo shuqulkooduna waa inuu ka hooseeyaa gacanta Iitaamaar ina Haaruun ee wadaadka ah.
29¶ Oo reer Meraariina waa inaad qolo qolo iyo reer reer u soo tirisaa.
30Intii soddon sannadood jirta iyo intii ka sii weyn ilaa tan iyo konton jirka waa inaad soo tirisaa, mid kasta oo hawsha gala si uu shuqulka teendhada shirka u sameeyo.
31Oo tanuna waa hawsha ay teendhada shirka ku leeyihiin ee ah waxa loo amray inay qaadaan: looxyada taambuugga, iyo ulihiisa gudban, iyo tiirarkiisa, iyo saldhigyadiisa,
33Taasu waa hawshii qolooyinka reer Meraarii, sida ay tahay dhammaan hawshooda ku saabsan teendhada shirka, oo waxay ka hoosaysaa gacantii Iitaamaar ina Haaruun ee wadaadka ah.
34¶ Markaasaa Muuse iyo Haaruun iyo amiirradii shirku waxay reer Qohaad u tiriyeen qolo qolo iyo reer reer,
35intii soddon sannadood jirtay iyo intii ka sii weynayd, ilaa tan iyo konton jirka, mid kasta oo hawsha geli jiray si uu shuqulka teendhada shirka u sameeyo.
36Oo kuwoodii qolo qolo loo tiriyey waxay ahaayeen laba kun iyo toddoba boqol iyo konton.
37Kuwanu waa kuwii qolooyinkii reer Qohaad ee la tiriyey, kulli intii ka adeegi jirtay teendhadii shirka, oo Muuse iyo Haaruun ay ku tiriyeen amarkii Rabbiga ee uu gacanta Muuse u dhiibay.
38¶ Oo kuwii reer Gershoon ee qolo qolo iyo reer reer loo soo tiriyey,
39intii soddon sannadood jirtay iyo intii ka sii weynayd ilaa tan iyo konton jirka, mid kasta oo hawsha geli jiray si uu shuqulka teendhada shirka u sameeyo,
40xataa kuwoodii qolo qolo iyo reer reer loo tiriyey waxay ahaayeen laba kun iyo lix boqol iyo soddon.
41Oo kuwanuna waa kuwii qolooyinkii reer Gershoon, ee la tiriyey, kulli intii ka adeegi jirtay teendhadii shirka, oo Muuse iyo Haaruun ay amarkii Rabbiga ku tiriyeen.
42¶ Oo kuwii qolooyinka reer Meraarii ee qolo qolo iyo reer reer loo tiriyey,
43intii soddon sannadood jirtay iyo intii ka sii weynayd ilaa tan iyo konton jirka, mid kasta oo hawsha geli jiray si uu shuqulka teendhada shirka u sameeyo,
44xataa kuwii qolo qolo loo tiriyey waxay ahaayeen saddex kun iyo laba boqol.
45Kuwanu waa kuwii qolooyinka reer Meraarii oo la tiriyey, oo Muuse iyo Haaruun ay ku tiriyeen amarkii Rabbiga ee uu gacanta Muuse u dhiibay.
46¶ Oo kulli intii reer Laawi ah oo la soo tiriyey, oo Muuse iyo Haaruun iyo amiirradii reer binu Israa'iil ay qolo qolo iyo reer reer u soo tiriyeen,
47intii soddon sannadood jirtay iyo intii ka sii weynayd xataa ilaa tan iyo konton jirka, mid kasta oo u geli jiray si uu shuqulka hawsha u sameeyo, iyo si uu alaabta teendhada shirka u qaado,
48xataa kuwoodii la tiriyey waxay ahaayeen siddeed kun iyo shan boqol iyo siddeetan.