1¶ Oo belaayadii dabadeed ayaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Elecaasaar oo ahaa wadaadkii Haaruun wiilkiisii, oo wuxuu ku yidhi,
2Shirka reer binu Israa'iil oo dhan u soo tiriya reer reer, intii labaatan sannadood jirta iyo intii ka sii weyn, kuwaas oo ah inta reer binu Israa'iil ee dagaal u bixi karta oo dhan.
3Markaasaa Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa iyagii kula hadleen bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun ku ag yaal oo Yerixoo ka soo hor jeeda.
4Oo waxay ku yidhaahdeen, Dadka inta labaatan sannadood jirta iyo inta ka sii weyn soo tiriya, sidii Rabbigu ku amray Muuse iyo dadkii reer binu Israa'iil oo dalkii Masar ka soo baxay.
5¶ Ruubeen wuxuu ahaa curadkii Israa'iil, oo waxaa reer Ruubeen ka soo farcamay Xanoog oo dhalay qabiilka reer Xanoog, iyo Falluu oo dhalay qabiilka reer Falluu,
6iyo Xesroon oo dhalay qabiilkii reer Xesroon, iyo Karmii oo dhalay qabiilkii reer Karmii.
7Intaasu waa qabiilooyinkii reer Ruubeen, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen saddex iyo afartan kun iyo toddoba boqol iyo soddon.
8Reer Falluu waxaa ka dhashay Elii'aab.
9Wiilashii Elii'aabna waxay ahaayeen Nemuu'eel iyo Daataan iyo Abiiraam. Daataankan iyo Abiiraamkanu waa kuwii shirka ururin jiray oo la diriray Muuse iyo Haaruun oo ku jiray kooxdii Qorax markii ay Rabbiga la dirireen,
10oo uu dhulku afka kala qaaday oo liqay iyagii iyo Qorax markii kooxdaasu ay dhinteen, kolkii dabku baabbi'iyey labada boqol iyo kontonka nin oo ay calaamad noqdeen.
11Habase yeeshee Qorax wiilashiisii ma ay dhiman.
12¶ Wiilashii Simecoon iyo qabiilooyinkoodii ka soo farcamay waa kuwan: Nemuu'eel oo dhalay qabiilka reer Nemuu'eel, iyo Yaamiin oo dhalay qabiilka reer Yaamiin, iyo Yaakiin oo dhalay qabiilkii reer Yaakiin,
13iyo Serax oo dhalay qabiilkii reer Serax, iyo Shaa'uul oo dhalay qabiilkii reer Shaa'uul.
14Intaasu waa qabiilooyinkii reer Simecoon, oo waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun iyo laba boqol.
15¶ Wiilashii Gaad iyo qabiilooyinkii ka soo farcamay waa kuwan: Sefoon oo dhalay qabiilka reer Sefoon, iyo Xaggii oo dhalay qabiilka reer Xaggii, iyo Shuunii oo dhalay qabiilka reer Shuunii,
16iyo Aasnii oo dhalay qabiilka reer Aasnii, iyo Ceerii oo dhalay qabiilka reer Ceerii,
17iyo Arood oo dhalay qabiilka reer Arood, iyo Areelii oo dhalay qabiilka reer Areelii.
18Intaasu waa qabiilooyinkii reer Gaad, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen afartan kun iyo shan boqol.
49iyo Yeser oo dhalay qabiilka reer Yeser, iyo Shilleem oo dhalay qabiilka reer Shilleem.
50Intaasu waa qabiilooyinkii reer Naftaali sidii ay qabiilooyinkoodu ahaayeen. Oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen shan iyo afartan kun iyo afar boqol.
51¶ Intaasu waa intii laga tiriyey reer binu Israa'iil, oo waxay kulligood ahaayeen lix boqol oo kun iyo toddoba boqol iyo soddon.
52¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
54Kuwii badan waa inaad siisaa dhaxal badan oo kuwii yarna waa inaad siisaa dhaxal yar. Oo mid kasta sida kuwii laga tiriyey ay ahaayeen dhaxalka ha loo siiyo.
55Habase yeeshee dhulka waa in saami loo ritaa marka la qaybsanayo. Sida magacyada qabiilooyinka awowayaashoodu ahaayeen ha u dhaxleen.
56Oo kuwa badan iyo kuwa yarba dhaxalkooda saami ha lagu kala qaybiyo.
57¶ Kuwii laga tiriyey reer Laawi iyo qolooyinkoodii waa kuwan: Gershoon oo dhalay qabiilka reer Gershoon, iyo Qohaad oo dhalay qabiilka reer Qohaad, iyo Meraarii oo dhalay qabiilka reer Meraarii.
58Intanu waa qabiilooyinkii reer Laawi: qabiilkii reer Libnii, iyo qabiilkii reer Xebroon, iyo qabiilkii reer Maxlii, iyo qabiilkii reer Mushii, iyo qabiilkii reer Qorax. Oo Qohaadna wuxuu dhalay Camraam.
61Oo Naadaab iyo Abiihuu way dhinteen markay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen dab qalaad.
62Oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen saddex iyo labaatan kun, mid kasta oo lab ah oo bil jira iyo intii ka sii weyn, waayo, iyaga laguma tirin reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, dhaxal laguma siin reer binu Israa'iil dhexdooda.
63¶ Kuwaasu waa kuwii ay tiriyeen Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa oo ku tiriyey reer binu Israa'iil bannaankii Moo'aab oo webi Urdun ku ag yaal oo Yerixoo ka soo hor jeeda.
64Laakiinse kuwaas nin keliyuhu kagama jirin kuwii ay Muuse iyo wadaadkii Haaruun ahaa tiriyeen markay reer binu Israa'iil ku tiriyeen cidladii Siinay.
65Waayo, Rabbigu wuxuu iyaga ka yidhi, Hubaal cidlada bay ku dhiman doonaan. Oo nin qudhuhu kama hadhin, Kaaleeb ina Yefunneh iyo Yashuuca ina Nuun mooyaane.