📖 Tiitos 1
-
1
¶ Anigoo Bawlos ah oo Ilaah addoon u ah, Ciise Masiixna rasuul u ah, siday yihiin iimaanka kuwa Ilaah doortay iyo aqoonta runta oo ah xagga cibaadada,
-
2
iyagoo rajaynaya nolosha weligeed ah oo Ilaaha aan beenta sheeginu u ballanqaaday waayadii hore hortood,
-
3
laakiinse wakhtiyadiisii goonida ahaa uu hadalkiisii ku muujiyey wacdigii laygu ammaaneeyey sida Ilaaha Badbaadiyeheenna ahu u amray,
-
4
waxaan warqaddan u qorayaa Tiitos oo ah wiilkayga runta ah xagga iimaanka inaga dhexeeya. Nimco iyo nabadu ha kaaga yimaadeen Ilaaha Aabbaha ah iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix.
-
5
¶ Sababtaas daraaddeed ayaan Kereetee kaaga dhex tegey inaad hagaajisid waxyaalaha hadhay iyo inaad waayeello magaalo walba ka dooratid sidaan kuugu amray,
-
6
hadduu mid waliba yahay nin aan ceeb lahayn, oo naag keliya qaba, oo leh carruur rumaysan, oo aan rabshad iyo caasinimo lagu dacwaynin.
-
7
Waayo, hoggaamiyaha kiniisaddu waa inuu ceeb la'aado sida wakiilka Ilaah; oo uusan madax adkaan, oo uusan camal fududaan, oo uusan sakhraan noqon, oo uusan gacan fududaan, oo uusan faa'iidada ceebta ah jeclaan,
-
8
laakiinse waa inuu ahaado mid martida soo dhoweeya, oo wanaag jecel, oo feeyigaan, oo xaq ah, oo quduus ah, oo iscelin kara;
-
9
isagoo xajinaya hadalka aaminka ah oo ah sidii loo baray, inuu awoodo inuu cilmiga runta ah ku waaniyo oo ku canaanto kuwa muranka miidhan ah.
-
10
¶ Waayo, waxaa jira caasiyiin badan, iyo kuwa hadal xun ku hadla, iyo khaa'inno, oo khusuusan waa kuwa gudan.
-
11
Kuwaas afkooda waa in la xidho, maxaa yeelay, waa kuwa reero dhan gembiya iyagoo faa'iidada ceebta ah aawadeed u baraya waxyaalo aan waajib ahayn inay baraan.
-
12
Mid iyaga ka mid ahaa oo nebigoodii ahaa ayaa wuxuu yidhi, Reer Kereetee weligood waa beenaalayaal, iyo dugaag xun, iyo kuwo cir weyn oo caajisiin ah.
-
13
Markhaatigaasu waa run. Sababtaas aawadeed aad u canaano iyaga inay iimaanka si run ah ugu socdaan
-
14
iyagoo aan dhegaysanayn sheekooyinka Yuhuudda iyo amarrada dadka runta ka leexanaya.
-
15
Kuwa daahirka ah wax waluba waa u daahir, laakiin kuwa nijaasaysan oo aan rumaysadka lahayn waxba daahir uma aha, laakiinse kaskooda iyo niyadooduba waa nijaasoobeen.
-
16
Waxay afka ka qirtaan inay Ilaah yaqaaniin, laakiin camalladooday isaga kaga hor yimaadaan, iyagoo karaahiyo iyo caasiyiin ah, oo xagga shuqul wanaagsan oo dhan laga nacay.