6¶ Oo haddii mid reer Laawi ahu uu ka soo baxo magaalooyinkiinna middood, taasoo ah meeshuu dalka Israa'iil ka degganaa, oo isagoo aad u doonaya inuu yimaado meesha Rabbigu uu dooranayo,
8Oo iyagu waa inay cunaan qayb isle'eg, oo aanay ku jirin waxa laga helo xoolaha aabbahood oo la iibiyo.
9¶ Oo markaad gashaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo waa inaydaan baran inaad samaysaan waxyaalaha karaahiyo ah oo ay quruumahaasu sameeyaan.
10Oo dhexdiinna waa inaan laga helin mid wiilkiisa ama gabadhiisa dab dhex mariya, ama mid faal ku isticmaala, ama mid xiddigaha ku faaliya, ama qumay, ama mid wax fala,
11ama falanfallow, ama mid qof ruuxaan leh la hadla, ama sixirow, ama mid kuwa dhintay la hadla.
12Waayo, ku alla kii waxyaalahaas sameeyaa waa u karaahiyo Rabbiga, oo waxyaalahan karaahiyada ah daraaddood ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga hortiinna uga eryayaa.
13Waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah dhammaan u qummanaataan.
14¶ Maxaa yeelay, quruumahaas aad hantiyi doontaan waxay dhegaystaan kuwa xiddigaha ku faaliya iyo faalshowyada kale, laakiinse idinka Rabbiga Ilaahiinna ahu idiinma uu oggolaan inaad saasoo kale yeeshaan.
15Oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu dhexdiinna idiinka kicin doonaa nebi sidayda oo kale oo walaalihiinna ka mid ah, oo idinku waa inaad isaga dhegaysataan,
16sidaad Rabbiga Ilaahiinna ah uga doonayseen maalintii shirka markaad Xoreeb joogteen oo aad tidhaahdeen, Rabbiga Ilaahayaga ah codkiisa yaannan mar dambe maqlin, oo dabkan weynna yaannan mar dambe arkin, si aannan u dhiman.
17Oo markaas Rabbigu wuxuu igu yidhi, Wixii ay ku hadleen si wanaagsan bay u yidhaahdeen.
18Waxaan iyaga walaalahood uga dhex kicin doonaa nebi sidaada oo kale ah, oo markaasaan afkiisa gelin doonaa erayadayda, oo isna wuxuu iyaga kula hadli doonaa wax alla waxaan isaga ku amri doono oo dhan.
19Oo waxay noqon doontaa in ku alla kii aan maqlin erayadayda uu magacayga ku sheegi doono, isagaan weyddiin doonaa.
20Laakiinse nebigii wax aanan ku amrin leh oo si kibir ah magacayga ugu hadla, ama kii ilaahyo kale magacood ku hadlaa, nebigaasu waa inuu dhintaa.
21Oo haddaad qalbigiinna iska tidhaahdaan, Sidee baannu u garanaynaa eraygii aan Rabbigu ku hadlin?
22Markii nebi ku hadlo magaca Rabbiga, haddii wixii uu ku hadlay ayan ahaan oo ayan noqon, waxaas ayaa ah waxa aanu Rabbigu ku hadlin. Nebigu si kibir ah buu u hadlay ee waa inaydaan ka cabsan innaba.