6Maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa idiin barakayn doonaa siduu idiin ballanqaaday, oo wax baad deymin doontaan quruumo badan, laakiinse waxba kama amaahan doontaan, oo quruumo badan baad u talin doontaan, laakiinse iyagu idiinma ay talin doonaan.
7¶ Hadduu kula joogo nin miskiin ah oo walaalahaa midkood ah ee ku jira irdahaaga middood ee dalka Rabbiga Ilaahaaga ahu ku siinayo, waa inaadan qalbiga ka qallafin, gacantana ka xidhin walaalkaaga miskiinka ah.
8¶ Laakiinse hubaal waa inaad gacanta u furtaa oo hubaal waa inaad deymisaa intii baahidiisa ku filan.
9Digtoonow, oo yaan fikir xun qalbigaaga gelin adoo isku leh, Sannaddii toddobaad ee saamaxaaddu waa soo dhow dahay. Walaalkaaga miskiinka ah si aan naxariis lahayn ha u eegin inaadan waxba siin. Haddii kalese Rabbiguu kaaga caban doonaa, oo taasuna dembi bay kugu noqon doontaa.
10Hubaal waa inaad isaga wax siisaa, oo markaad wax siisona qalbigaagu yuusan xumaan, maxaa yeelay, taas daraaddeed ayaa Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu barakayn doonaa shuqulkaaga oo dhan iyo wax alla wixii aad gacanta ku qabatoba.
11Waayo, masaakiintu weligood dalka kama ay dhammaan doonaan, haddaba waxaan kugu amrayaa oo kugu leeyahay, Hubaal waa inaad gacanta u furtaa walaalkaa iyo kaaga baahan iyo masaakiintaada dalkaaga joogta.
14Waa inaad si deeqsinimo ah isaga uga xoolagooysaa idahaaga iyo hadhuudhka goobtaada lagu tumo iyo waxa macsarada canabkaaga ku jira, oo sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu kuu barakeeyey waa inaad isaga wax u siisid.
15Oo waa inaad xusuusataa inaad dalkii Masar addoon ku ahaan jirtay oo Rabbiga Ilaahaaga ahu ku soo furtay, oo sidaas daraaddeed baan maanta waxan kuugu amrayaa.