📖 Sabuurradii 99
-
1
Rabbigu isagaa taliya, dadyowgu ha gariireen, Isagu wuxuu ku fadhiyaa keruubiimta, dhulku ha dhaqdhaqaaqo.
-
2
Rabbigu Siyoon dhexdeeda waa ku weyn yahay, Oo dadyowga oo dhanna wuu ka wada sarreeyaa.
-
3
Iyagu ha ammaaneen magacaaga weyn oo laga cabsado, Isagu waa quduus.
-
4
Oo weliba boqorka xooggiisu wuxuu jecel yahay garsoorid, Caddaalad baad adkaysaa, Garsoorid iyo xaqnimo baad u samaysaa reer Yacquub.
-
5
Rabbiga Ilaaheenna ah sarraysiiya, Oo meeshuu cagaha saartona ku sujuuda, Isagu waa quduus.
-
6
Muuse iyo Haaruun waxay ka mid ahaayeen wadaaddadiisa, Samuu'eelna wuxuu ka mid ahaa kuwa magiciisa u yeedha, Iyagu waxay baryeen Rabbiga, oo isna wuu u jawaabay.
-
7
Wuxuu iyagii kala dhex hadlay tiirkii daruurta ahaa, Iyana waxay xajiyeen markhaatifurkiisii iyo qaynuunkii uu iyaga siiyey.
-
8
Rabbiyow Ilaahayagiiyow, waad u jawaabtay, Oo waxaad ahayd Ilaah iyaga cafiyey, In kastoo aad falimahoodii ka aargoosatay.
-
9
Rabbiga Ilaaheenna ah sarraysiiya, Oo isaga ku caabuda buurtiisa quduuska ah, Waayo, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa quduus.