📖 Sabuurradii 94
-
1
Rabbiyow, Ilaaha aargudashada lahow, Ilaaha aargudashada lahow, soo iftiin.
-
2
Xaakinka dunidow, sara joogso, Oo kuwa kibray abaalkooda mari.
-
3
Rabbiyow, kuwa sharka lahu ilaa goormay, Kuwa sharka lahu ilaa goormay guulaysanayaan?
-
4
Way bulxamaan, oo kibir bay ku hadlaan, Oo xumaanfalayaasha oo dhammu way faanaan.
-
5
Rabbiyow, iyagu waxay burburiyaan dadkaaga, Oo dhaxalkaagay silciyaan.
-
6
Carmalka iyo shisheeyaha ayay laayaan, Oo agoontay nafta ka qaadaan.
-
7
Oo waxay isyidhaahdaan, Waxan Rabbigu ma arki doono, Oo Ilaaha reer Yacquubna kama fikiri doono.
-
8
Kuwiinna doqonnada ah oo dadka ku dhex jirow, fiirsada, Oo kuwiinna nacasyada ahow, goormaad caqli yeelanaysaan?
-
9
Kii dhegta abuuray, sow wax maqli maayo? Kii isha sameeyeyna, sow wax arki maayo?
-
10
Kan quruumaha edbiyaa, sow wax hagaajin maayo? Kaasoo ah kan dadka aqoonta bara?
-
11
Rabbigu waa og yahay fikirrada binu-aadmigu Inay micnela'aan yihiin.
-
12
Rabbiyow, waxaa barakaysan ninkii aad edbiso, Oo aad sharcigaaga wax ka barto,
-
13
Si aad uga nasiso maalmaha belaayada Inta kan sharka lahaa godka loo qodayo.
-
14
Waayo, Rabbigu dadkiisa xoori maayo, Oo dhaxalkiisana dayrin maayo.
-
15
Waayo, garsooriddu waxay ku soo noqon doontaa xaqnimada, Oo inta qalbigoodu qumman yahay oo dhammuna way raaci doonaan.
-
16
Bal yaa ii kacaya oo sharfalayaasha iga hor joogsanaya? Oo yaa ii soo istaagaya oo xumaanfalayaasha iga celinaya?
-
17
Rabbigu haddaanu i caawin, Hadda naftaydu waxay joogi lahayd meesha aamusnaanta.
-
18
Markaan idhi, Rabbiyow, cagtaydu waa simbiriirixanaysaa, Waxaa kor ii qaadday naxariistaada.
-
19
Kolkay fikirro badan igu dhex jiraan Waxaa naftayda ka farxiya qalbiqaboojintaada.
-
20
Carshiga sharnimadu ma xidhiidh buu kula yeelanayaa, Kaasoo belaayo qaynuun ku qabanqaabiya?
-
21
Waxay dhammaantood isu soo wada urursadaan kan xaqa ah naftiisa, Oo waxay xukumaan dhiig aan eed lahayn.
-
22
Laakiinse Rabbigu waxa weeye munaaraddayda, Ilaahayna waa dhagaxii magangalkayga.
-
23
Oo wuxuu dushooda ku soo celiyey xumaatadoodii, Oo wuxuu iyaga ku dhex baabbi'in doonaa sharnimadooda, Rabbiga Ilaaheenna ahu wuu wada baabbi'in doonaa.