📖 Sabuurradii 93
-
1
Rabbigaa taliya, oo wuxuu huwan yahay haybad, Rabbigu waa huwan yahay, oo wuxuu dhexda ku xidhay xoog, Duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin.
-
2
Carshigaagu wuxuu dhismay waa hore, Oo adiguna waxaad jirtay tan iyo weligaa.
-
3
Rabbiyow, webiyadii kor bay u kaceen, Webiyadii codkooday kor u qaadeen, Oo webiyadii waxay kor u qaadeen hirarkoodii.
-
4
Biyaha badan codkooda, Iyo mawjadaha badda oo waaweynba Waxaa ka sii xoog badan Rabbiga sare.
-
5
Rabbiyow, markhaatifurkaagu waa hubaal, Oo weligaaba waxaa gurigaaga ku habboon quduusnimo.