📖 Sabuurradii 88
-
1
Rabbiyow, Ilaaha badbaadadaydow, Habeen iyo maalinba hortaadaan ka qayliyey,
-
2
Baryootankaygu hortaada ha yimaado, Oo qayladayda dhegta u dhig,
-
3
Waayo, naftayda waxaa ka buuxa dhibaatooyin, Oo noloshayduna waxay ku dhowaanaysaa She'ool.
-
4
Waxaa laygu tiiriyey kuwa hoos ugu dhaadhaca yamayska, Oo waxaan ahay sida nin aan xoog lahayn,
-
5
Oo meydadka lagu dhex tuuray, Sida kuwa la laayay oo xabaalaha yaal, Oo aanad mar dambe soo xusuusnayn, Kuwaas oo ah kuwa gacantaada ka go'ay.
-
6
Waxaad igu ridday yamayska ugu hooseeya, Iyo gudcurka, iyo meelaha dhaadheer.
-
7
Cadhadaadii baa igu soo degtay, Oo waxaad igu dhibtay hirarkaagii oo dhan. (Selaah)
-
8
Kuwii aan iqiin waad iga fogaysay, Oo karaahiyaad iga dhigtay xaggooda. Waa lay xidhay, oo sooma aan bixi karo.
-
9
Indhahaygu waxay la gudheen dhibaatada daraaddeed, Rabbiyow, maalin kasta waan kuu yeedhay, Oo gacmahaygana adigaan kuu hoorsaday.
-
10
Ma yaabab baad tusaysaa meydadka? Kuwii dhintay miyey soo sara kacayaan oo ku ammaanayaan? (Selaah)
-
11
Raxmaddaada miyaa qabriga lagu sheegayaa? Aaminnimadaadana miyaa halligaadda laga dhex sheegayaa?
-
12
Yaababkaaga miyaa gudcurka lagu ogaanayaa? Xaqnimadaadana ma waxaa lagu ogaanayaa dalka illoobidda?
-
13
Laakiinse Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, Oo baryootankayguna subaxduu hortaada imanayaa.
-
14
Rabbiyow, bal maxaad naftayda u xooraysaa? Oo bal maxaad wejigaaga iiga qarinaysaa?
-
15
Waan dhibaataysnaa oo waxaan ku dhowaa inaan dhinto tan iyo yaraantaydiiba, Intaad cabsidaada igu riddayna waan caataysnaa.
-
16
Cadhadaadii kululayd ayaa i kor martay, Oo waxaa i baabbi'iyey waxyaalihii aad igu cabsiisay.
-
17
Maalintii oo dhan waxay hareerahayga ugu wareegsanaayeen sidii biyo oo kale, Dhammaantood way i wada hareereeyeen.
-
18
Kii i jeclaa iyo saaxiibkayba waad iga fogaysay, Oo kuwii aan iqiinna gudcur baad iga gelisay.