📖 Sabuurradii 81
-
1
Aad ugu gabya Ilaaha xooggeenna ah, Oo farxad ugu qayliya Ilaaha Yacquub.
-
2
Sabuurka kor u qaada, oo waxaad halkan keentaan dafka, Iyo kataaradda lagu farxo, iyo shareeradda.
-
3
Buunka afuufa markay bishu dhalato, Iyo markuu dayaxu caddo buuxda yahay, iyo maalinta iiddeenna quduuska ah.
-
4
Waayo, taasu qaynuun bay u tahay reer binu Israa'iil, Waana amar ka yimid Ilaaha Yacquub.
-
5
Oo wuxuu reer Yuusuf dhexdooda ka dhigay markhaati, Markii uu dalkii Masar ku soo baxay, Halkaas oo aan ka maqlay af aanan aqoon.
-
6
Garbihiisa waxaan ka qaaday culaabtii saarnayd, Gacmihiisana waxaa laga xoreeyey dambiishii.
-
7
Waad ii dhawaaqatay markii dhib kuu yimid, oo anna waan ku soo samatabbixiyey, Waxaan kaaga jawaabay onkodka meeshiisa qarsoon, Oo waxaan kugu tijaabiyey biyihii Meriibaah. (Selaah)
-
8
Dadkaygiiyow, bal i maqla, Oo anna waan idiin digi doonaa, Reer binu Israa'iilow, bal haddaad i maqli lahaydeen!
-
9
Waa inaan ilaah qalaad idinku dhex jirin, Oo waa inaydaan innaba ilaah qalaad caabudin.
-
10
Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah, Oo kaa soo bixiyey dalkii Masar, Afkaaga aad u kala qaad, oo anna waan buuxin doonaa.
-
11
Laakiinse dadkaygii ma ay dhegaysan codkaygii, Oo reer binu Israa'iilna ima aqbalin.
-
12
Sidaas daraaddeed waxaan u daayay inay ku socdaan madaxadayggooda. Si ay taladooda ugu socdaan.
-
13
Bal may dadkaygu i dhegaystaan, Oo reer binu Israa'iil bal may jidkayga ku socdaan!
-
14
Oo waxaan haddiiba jebin lahaa cadaawayaashooda, Oo gacantaydana waan ku jeedin lahaa colkooda.
-
15
Kuwa Rabbiga necebu waxay hoos geli lahaayeen isaga, Laakiinse wakhtigoodu weligiis wuu waari lahaa.
-
16
Oo weliba wuxuu iyaga ku quudin lahaa sarreenka ugu wanaagsan, Oo waxaan ka dhergin lahaa malabka dhagaxa ka soo baxa.