1Ilaahow, quruumihii kale waxay u soo galeen dhaxalkaagii, Macbudkaagii quduuska ahaana way nijaaseeyeen, Oo Yeruusaalemna waxay ka dhigeen tuulmooyin.
2Meydadkii addoommadaada waxay cunto uga dhigeen haadka samada, Oo hilibkii quduusiintaadana waxay cunto uga dhigeen dugaagga dhulka.
10Bal maxaa quruumuhu u leeyihiin, Ilaahoodu meeh? Dhiiggii addoommadaada oo ay daadiyeen aargoosashadiisii Ha lagu ogaado quruumaha dhexdooda annagoo arkayna.
11Maxbuuska taahiisu hortaada ha yimaado, Xooggaaga weynaantiisa ku badbaadi kuwa dhimashada lagu xukumay.
12Sayidow, derisyadayada toddoba jibbaar ugu abaalmari, Oo laabta u geli caydii ay kugu caayeen.
13Haddaba annagoo ah dadkaaga iyo idihii daaqsintaada Waannu kugu mahadnaqaynaa weligayo, Oo ammaantaada waannu ka sheekaysan doonnaa tan iyo ka ab ka ab.