📖 Sabuurradii 66
-
1
Dadka dhulka oo dhammow, Ilaah farxad ugu qayliya,
-
2
Oo ammaanta magiciisa ku gabya, Ammaantiisana qurxiya.
-
3
Ilaah waxaad ku tidhaahdaan, Shuqulladaadu cabsi badanaa! Weynaanta xooggaaga aawadiis ayaa cadaawayaashaadu isugu kaa dhiibi doonaan.
-
4
Dadka dhulka oo dhammu adigay ku caabudi doonaan, Wayna kuu gabyi doonaan, Magacaagay u gabyi doonaan. (Selaah)
-
5
Bal kaalaya, oo arka shuqullada Ilaah, Xagga binu-aadmiga wuxuu ku sameeyey waa cabsi badan yihiin.
-
6
Wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan, Oo iyagu webiga dhexdiisa waxay ku mareen lug, Oo halkaasaan isaga ku rayraynay.
-
7
Isagu weligiisba wuxuu ku taliyaa xooggiisa, Oo indhihiisuna waxay fiiriyaan quruumaha, Haddaba caasiyiintu yaanay kor isu qaadin. (Selaah)
-
8
Dadyahow, Ilaaheenna ammaana, Oo codka ammaantiisa ha la maqlo,
-
9
Kaasoo nafteenna nolol ku haya, Oo cagaheennana aan u oggolayn in la dhaqdhaqaajiyo.
-
10
Waayo, Ilaahow, adigu waad na imtixaantay, Oo waxaad noo tijaabisay sida lacagta loo tijaabiyo.
-
11
Waxaad na gelisay shabagga dabinka ah, Oo waxaad simaha naga saartay culaab weyn.
-
12
Dad baad madaxa naga saartay, Oo waxaannu dhex galnay dab iyo biyo, Laakiinse ugudambaysta waxaad na keentay meel barwaaqo ah.
-
13
Haddaba anigu gurigaaga waxaan la soo geli doonaa allabaryo la gubo, Oo waxaan kuu oofinayaa nidarradaydii
-
14
Bushimahaygu ay ku hadleen, Oo afkaygu sheegay markii aan dhibaataysnaa.
-
15
Oo waxaan allabaryo la gubo kuugu soo bixinayaa xoolo buurbuuran Iyo wanan iyo fooxood, Oo waxaan kuu soo bixin doonaa dibiyo iyo orgiyo. (Selaah)
-
16
Kulli intiinna Ilaah ka cabsataay, kaalaya oo maqla, Oo waxaan sheegayaa wuxuu naftayda u sameeyeye.
-
17
Isagaan afkayga ugu qayshaday, Oo waxaan ku ammaanay carrabkayga.
-
18
Haddaan dembi qalbigayga ku arkay, Sayidku ima uu maqleen,
-
19
Laakiinse sida runta ah Ilaah waa i maqlay, Oo codkii baryadaydana dhegtuu u dhigay.
-
20
Mahad waxaa leh Ilaaha Aan baryadayda diidin oo aan naxariistiisana gees iga marin.