📖 Sabuurradii 61
-
1
Ilaahow, qayladayda maqal, Oo baryadaydana dhegta u dhig.
-
2
Markii qalbigaygu itaal darnaado, waxaan kaaga qayshan doonaa darafka dhulka ugu shisheeya, Ii hoggaami dhagaxa iga dheer.
-
3
Waayo, waxaad ii ahayd magangal, Iyo qalcad adag oo aan cadowga ka galo.
-
4
Anigu weligayba waxaan degganaan doonaa taambuuggaaga, Oo waxaan magangeli doonaa baalashaada meeshooda qarsoon. (Selaah)
-
5
Waayo, Ilaahow, nidarradaydii waad maqashay, Oo waxaad i siisay kuwa magacaaga ka cabsada dhaxalkooda.
-
6
Boqorka noloshiisa waad dheeraynaysaa, Oo cimrigiisuna wuxuu noqon doonaa sida qarniyo badan.
-
7
Oo weligiisba wuxuu joogi doonaa Ilaah hortiisa, Raxmad iyo run u diyaari, inay isaga dhawraan.
-
8
Markaasaan weligayba magacaaga ammaan ugu gabyi doonaa, Si aan maalin kasta nidarradayda u oofiyo.