📖 Sabuurradii 60
-
1
Ilaahow, adigu waad na xoortay, oo waad na dudumisay, Oo waad nagu cadhootay, haddaba bal mar na soo celi.
-
2
Dhulkii waad gariirisay, oo waad kala dildillaacisay, Haddaba dildillaaciisa bogsii, waayo, wuu ruxmadaa.
-
3
Dadkaagii waxaad tustay waxyaalo adag, Oo waxaad na cabsiisay khamri lala dhacdhaco.
-
4
Calan baad siisay kuwa kaa cabsada, In runta loo soo bandhigo aawadeed. (Selaah)
-
5
Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan, Gacantaada midig ku badbaadi oo ii jawaab.
-
6
Ilaah wuxuu ku hadlay quduusnimadiisa oo yidhi, Anigu waan farxi doonaa, Shekem waan kala qaybin doonaa, oo waxaan qiyaasi doonaa dooxada Sukod.
-
7
Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh, Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga, Yahuudahna waa ushayda boqornimo.
-
8
Moo'aab waa weelkaygii aan ku maydhan jiray, Edomna kabahaygaan ku dul tuuri doonaa, Falastiinay, qayli aawaday.
-
9
Bal yaa i geeyn doona magaalada xoogga leh? Yaase xagga Edom ii kaxayn doona?
-
10
Ilaahow, sow nama aadan xoorin? Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada.
-
11
Cadowga naga caawi, Waayo, binu-aadmiga caawimaaddiisu waxtar ma leh.
-
12
Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonaa, Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona.