📖 Sabuurradii 48
-
1
Rabbigu waa weyn yahay, waana in aad loogu ammaanaa Ilaaheenna magaaladiisa, iyo buurtiisa quduuska ah.
-
2
Waxaa dhererka ku quruxsan, oo farxad u ah dunida oo dhan Buur Siyoon oo dhanka woqooyi ah, Meeshaas oo ah magaalada Boqorka weyn.
-
3
Ilaah wuxuu daaraheeda dhaadheer isku muujiyey inuu magangal yahay.
-
4
Waayo, bal eeg, boqorradii way iswada urursadeen, Dhammaantood way wada dhaafeen.
-
5
Oo kolkay arkeen ayay yaabeen, Oo argaggexeen, markaasay haddiiba carareen.
-
6
Iyagii halkaasay ku gariireen, Wayna ku xanuunsadeen sida naag foolanaysa.
-
7
Doonniyaha Tarshiish waxaad ku jejebisaa Dabaysha bari.
-
8
Annagu sidaan maqalnay, ayaan ku dhex aragnay Magaalada Rabbiga ciidammada, taasoo ah magaalada Ilaaheenna, Ilaah ayaa weligeedba adkayn doona. (Selaah)
-
9
Ilaahow, raxmaddaada ayaan ka fikirnay Markaan macbudkaaga ku jirnay.
-
10
Ilaahow, sida magacaagu yahay Ayaa ammaantaaduna ku tahay dhulka darafyadiisa oo dhan, Gacantaada midigna waxaa ka buuxda xaqnimo.
-
11
Buur Siyoon ha faraxdo, Oo gabdhaha reer Yahuudah ha ku reyreeyeen xukummadaada daraaddood.
-
12
Siyoon hareeraheeda socda, oo ku soo wareega, Oo munaaradaheeda tiriya.
-
13
Bal aad ugu fiirsada qalcadaheeda, Oo ka fikira daaraheeda dhaadheer, Si aad ugu sheekaysaan farcanka soo socda.
-
14
Waayo, weligiis iyo weligiisba Ilaahan ayaa Ilaah inoo ah, Oo isagaa hoggaamiye inoo ahaan doona xataa tan iyo dhimashada.