📖 Sabuurradii 26
-
1
Rabbiyow, i xukun, waayo, waxaan ku socday daacadnimadayda, Oo weliba waxaan Rabbiga isugu halleeyey rogrogmashola'aan.
-
2
Rabbiyow, i imtixaan, oo i tijaabi, Oo uurkayga iyo qalbigaygana baadh.
-
3
Waayo, raxmaddaadu waxay taal indhahayga hortooda, Oo waxaan ku socday runtaada.
-
4
Lama aan fadhiisan waxmatarayaal, Oo kuwa isyeelyeelana gudaha la geli maayo.
-
5
Waan necbahay ururka xumaanfalayaasha, Oo kuwa sharka lehna la fadhiisan maayo.
-
6
Gacmahayga waxaan ku maydhan doonaa eedla'aanta, Markaasaan ku wareegi doonaa meeshaada allabariga, Rabbiyow,
-
7
Si aan codka mahadnaqidda dadka u maqashiiyo, Oo aan uga sheekeeyo shuqulladaada yaabka leh oo dhan.
-
8
Rabbiyow, rugta gurigaaga waan jeclahay, Iyo meesha ammaantaadu joogto.
-
9
Naftayda ha la ururin dembilayaal, Noloshaydana ha la ururin dhiigyocabyada,
-
10
Gacmahooda belaayadu ku jirto, Gacantooda midigna laaluush ka buuxo.
-
11
Laakiinse anigu waxaan ku socon doonaa daacadnimadayda, Haddaba i madaxfuro, oo ii naxariiso.
-
12
Cagtaydu waxay ku taagan tahay meel siman, Oo Rabbigaan ku ammaani doonaa shirarka dhexdooda.