📖 Sabuurradii 25
-
1
Rabbiyow, naftayda xaggaagaan kor ugu qaadaa.
-
2
Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyey, Haddaba yaanan ceeboobin, Oo yaan cadaawayaashaydu ii faanin.
-
3
Kuwa adiga ku suga midkoodna ceeboobi maayo, Laakiinse waxaa ceeboobi doona kuwa khiyaanada ku macaamilooda sababla'aan.
-
4
Rabbiyow, jidadkaaga i tus, Oo waddooyinkaagana i bar.
-
5
Runtaada igu hoggaami, oo i bar, Waayo, waxaad tahay Ilaaha badbaadadayda, Oo maalinta oo dhan adaan ku sugaa.
-
6
Rabbiyow, xusuuso naxariistaada iyo raxmaddaada, Waayo, weligoodba way jireen.
-
7
Ha xusuusan dembiyadii dhallinyaranimadayda iyo xadgudubyadaydii, Laakiinse ii xusuuso sida raxmaddaadu tahay, Iyo wanaaggaaga aawadiis, Rabbiyow.
-
8
Rabbigu waa wanaagsan yahay, waana qumman yahay, Sidaas daraaddeed wuxuu dembilayaasha ku hanuunin doonaa jidka.
-
9
Kuwa camalka qabow wuxuu ku hanuunin doonaa xaqa, Oo kuwa camalka qabow wuxuu bari doonaa jidkiisa.
-
10
Rabbiga waddooyinkiisa oo dhammu waxay raxmad iyo run u yihiin Kuwa axdigiisa iyo markhaatifurkiisa xajiya.
-
11
Rabbiyow, dembigayga iga cafi magacaaga daraaddiis, Waayo, aad buu u weyn yahay.
-
12
Bal waa ayo ninka Rabbiga ka cabsadaa? Kaas wuxuu ku hanuunin doonaa jidkii uu isagu doorto.
-
13
Naftiisu wanaag bay ku jiri doontaa, Oo farcankiisuna wuxuu dhaxli doonaa dalka.
-
14
Rabbiga taladiisa qarsoon waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada, Oo wuxuu iyaga tusi doonaa axdigiisa.
-
15
Weligayba indhahaygu waxay u jeedaan xagga Rabbiga, Waayo, wuxuu cagahayga ka bixin doonaa dabinka.
-
16
Bal xaggayga u soo jeeso, oo ii naxariiso, Waayo, waan cidloobay, oo dhib baa i haysa.
-
17
Dhibaatooyinka qalbigaygu way sii ballaadheen, Cidhiidhigayga iga bixi.
-
18
Bal fiiri dhibkayga iyo qaxarkayga, Oo dembiyadayda oo dhan iga cafi.
-
19
Bal fiiri cadaawayaashayda, waayo, way badan yihiin, Oo waxay igu neceb yihiin nacayb dulmi miidhan ah.
-
20
Naftayda dhawr, oo i samatabbixi, Oo yaanan ceeboobin, waayo, waan isku kaa halleeyaa.
-
21
Daacadnimo iyo qummanaanu ha i dhawreen, Waayo, adaan ku sugaa.
-
22
Ilaahow, reer binu Israa'iil ka samatabbixi Dhibaatooyinkooda oo dhan.