📖 Sabuurradii 150
-
1
Rabbiga ammaana. Ilaah ku dhex ammaana meeshiisa quduuska ah, Ku dhex ammaana samada xooggiisa.
-
2
Falimihiisa waaweyn aawadood u ammaana, U ammaana si waafaqsan weynaantiisa sare.
-
3
Dhawaaqa buunka ku ammaana, Oo shareerad iyo kataarad ku ammaana.
-
4
Ku ammaana daf iyo cayaar, Oo ku ammaana alaab xadhko leh oo muusiko ah iyo biibiile.
-
5
Suxuunta laysku garaaco oo codka dheer ku ammaana, Ku ammaana suxuunta sanqadha dheer.
-
6
Wax kasta oo neef lahuba Rabbiga ha ammaaneen. Rabbiga ammaana.