📖 Sabuurradii 147
-
1
Rabbiga ammaana. Waayo, way wanaagsan tahay in Ilaaheenna ammaan loogu gabyo, Waayo, taasu way wacan tahay, oo ammaantuna way habboon tahay.
-
2
Rabbigu Yeruusaalem buu dhisaa, Oo wuxuu isu soo wada ururiyaa kuwa la naco oo reer binu Israa'iil ah.
-
3
Isagaa bogsiiya kuwa qalbi jabay, Oo nabrahoodana wuu duubaa.
-
4
Wuxuu sheegaa xiddigaha tiradooda, Oo kulligoodna magacyo buu u bixiyaa.
-
5
Sayidkeennu waa weyn yahay, wuuna xoog badan yahay, Waxgarashadiisuna waa mid aan la koobi karayn.
-
6
Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa camalka qabow, Oo kuwa sharka lehna dhulkuu ku soo tuuraa.
-
7
Rabbiga mahadnaqid ugu gabya, Oo kataaradda ammaan ugu gabya Ilaaheenna,
-
8
Kaasoo samada daruuro ku qariya, Oo dhulka roob u diyaarsha, Buurahana doog ka soo bixiya.
-
9
Wuxuu quud siiyaa xayawaanka, Iyo tukayaasha yaryar markay qayliyaanba.
-
10
Isagu kuma farxo xoogga faraska, Oo kuma reyreeyo lugaha dadka.
-
11
Rabbigu wuxuu ku reyreeyaa kuwa isaga ka cabsada, Iyo kuwa naxariistiisa rajada ka qaba.
-
12
Yeruusaalemay, Rabbiga ammaan, Siyoonay, Ilaahaaga ammaan.
-
13
Waayo, wuxuu xoogeeyey qataarrada irdahaaga, Carruurtaadana wuu kugu dhex barakeeyey.
-
14
Soohdimahaaga nabad buu ka dhigaa, Oo wuxuu kaa dhergiyaa sarreenka ugu wanaagsan.
-
15
Amarkiisa wuxuu u soo diraa dhulka, Eraygiisuna aad buu u dheereeyaa.
-
16
Baraf cad wuxuu u soo daadshaa sida dhogor oo kale, Sayax barafoobayna wuxuu u kala firdhiyaa sida dambas oo kale.
-
17
Barafkiisa wuxuu u soo ridaa sida jajab oo kale, Bal yaa qabowgiisa hor istaagi kara?
-
18
Wuxuu soo diraa eraygiisa, oo wuu dhalaaliyaa iyaga, Dabayshiisana wuxuu ka dhigaa inay dhacdo, biyuhuna way qulqulaan.
-
19
Eraygiisa wuxuu tusaa reer Yacquub, Qaynuunnadiisa iyo xukummadiisana reer binu Israa'iil.
-
20
Quruunna sidaas oo kale uma uu samayn. Xukummadiisiina ma ay garanaynin, Rabbiga ammaana.