📖 Sabuurradii 140
-
1
Rabbiyow, ninka sharka leh iga samatabbixi, Oo iga ilaali ninka dulmiga badan,
-
2
Kuwaasoo qalbigooda kaga fikira belaayooyin, Had iyo goorna dagaal bay isu soo urursadaan.
-
3
Waxay carrabkoodii u afaysteen sidii abeeso oo kale, Oo bushimahoodana waxaa ku hoos jirta waabaydii jilbiska. (Selaah)
-
4
Rabbiyow, gacmaha kuwa sharka leh iga dhawr, Oo iga ilaali ninka dulmiga badan, Kuwaasoo u qasdiyey inay tallaabooyinkayga dhinac u leexiyaan.
-
5
Kuwa kibirka badanu waxay ii qariyeen dabin iyo xadhko, Oo jidka dhinaciisana waxay ii gogleen shabag, oo siriq bay ii qooleen. (Selaah)
-
6
Waxaan Rabbiga ku idhi, Waxaad tahay Ilaahayga, Haddaba, Rabbiyow, bal dhegta u dhig codka baryootankayga.
-
7
Ilaahow Sayidow, xooggii badbaadadaydow, Maalintii dagaalka madaxaygaad dabooshay.
-
8
Rabbiyow, kuwa sharka leh ha siin waxay doonayaan, Oo horay ha u sii wadin xeeladdooda sharka ah, waaba intaasoo ay kor isu qaadaane. (Selaah)
-
9
Oo kuwa igu wareegsan madaxoodana Belaayada bushimahooda ka soo baxaysa ha daboosho.
-
10
Dhuxulo ololaya ha ku soo dul daateen, Oo iyaga ha lagu dhex tuuro dabka, Iyo godad aad u dhaadheer, si aanay mar dambe u soo sara kicin.
-
11
Ninka sharka ku hadlaa yaanu dhulka ku sii waarin, Sharku wuxuu u ugaadhsan doonaa ninka dulmiga badan inuu afgembiyo aawadeed.
-
12
Waan ogahay in Rabbigu kuwa dhibban dacwadooda u gar qaadi doono, Oo uu kuwa baahanna xaqooda siin doono.
-
13
Hubaal kuwa xaqa ahu waxay ku mahadnaqi doonaan magacaaga, Oo kuwa qummanuna waxay joogi doonaan hortaada.