Bible ›
Soomaali ›
Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale ›
Sabuurradii ›
Chapter 14
📖 Sabuurradii 14
1
Nacasku wuxuu qalbigiisa iska yidhaahdaa, Ilaah ma jiro. Iyagu way kharriban yihiin, oo waxay sameeyeen shuqullo karaahiyo ah, Ma jiro mid wanaag sameeya.
2
Rabbigu samaduu ka soo fiiriyey binu-aadmiga, Inuu arko haddii ay jiraan kuwo wax garanaya, Oo Ilaah doondoona.
3
Dhammaantood gees bay u wada leexdeen, oo way wada nijaasoobeen, Mid wanaag falaa ma jiro, midnaba.
4
Xumaanfalayaasha oo dhammu miyaanay aqoon lahayn? Iyagoo dadkayga cuna, siday kibista u cunaan, Mana ay baryaan Rabbiga.
5
Halkaasay aad ugu cabsadeen, Maxaa yeelay, Ilaah wuxuu la jiraa qarniga xaqa ah.
6
Idinku waxaad ceebaysaan talada miskiinka, Laakiin Rabbigu waa magangalkiisa.
7
Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado! Marka Rabbigu dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo, Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa, oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.
💬 Discuss This Chapter