📖 Sabuurradii 131
-
1
Rabbiyow, qalbigaygu kor isuma qaado, indhahayguna ma kibirsana, Oo anna iskuma dhex tuuro axwaal waaweyn, Ama waxyaalihii igu yaab badan.
-
2
Hubaal naftaydii waan dejiyey, oo waan xasilliyey, Sida ilmo naas laga gudhiyey oo hooyadiis la jooga, Naftaydu waxay iigu jirtaa sida ilmo naas laga gudhiyey.
-
3
Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba, Haddeer intii laga bilaabo iyo tan iyo weligiinba.