📖 Sabuurradii 129
-
1
Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen, Reer binu Israa'iil hadda ha yidhaahdeen,
-
2
Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen, Laakiinse igama ay adkaan.
-
3
Kuwa beerta jeexa ayaa dhabarkayga jeexay, Oo jeexjeexoodiina way dheereeyeen.
-
4
Rabbigu waa xaq, Oo isagu wuxuu kala gooyay xadhkihii kuwa sharka leh.
-
5
Inta Siyoon neceb oo dhammu, Ha ceeboobeen oo dib ha u noqdeen.
-
6
Ha noqdeen sida cawska guryaha korkooda ka baxa Oo engega intaanu korin,
-
7
Oo aan beergooyuhu gacantiisa ka buuxin, Kan xidhmooyinka xidhaana aanu laabtiisa ka buuxin.
-
8
Oo kuwa ag maraana ma yidhaahdaan, Barakadii Rabbigu korkiinna ha ahaato. Waxaan idiinku ducaynaynaa magaca Rabbiga.