📖 Sabuurradii 128
-
1
Waxaa barakaysan mid kasta oo Rabbiga ka cabsada, Oo jidadkiisa ku socda.
-
2
Waayo, waad cuni doontaa waxa gacmahaagu ku hawshoodeen, Waadna farxi doontaa, oo waad barwaaqoobi doontaa.
-
3
Naagtaadu waxay gurigaaga ku dhex ahaan doontaa sida geed canab ah oo midho badan dhala. Carruurtaaduna waxay noqon doonaan sida geedo saytuun ah oo miiskaaga ku wareegsan.
-
4
Bal eeg, sidaasuu u barakoobi doonaa Ninka Rabbiga ka cabsadaa.
-
5
Rabbigu Siyoon buu kaa barakayn doonaa, Oo cimrigaaga oo dhan waxaad arki doontaa wanaagga Yeruusaalem.
-
6
Haah, oo waxaad arki doontaa carruurtaada carruurtooda. Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.