📖 Sabuurradii 126
-
1
Markii Rabbigu soo celiyey maxaabiistii Siyoon, Waxaynu noqonnay sida kuwa riyooda.
-
2
Markaasaa afkeenna waxaa ka buuxsamay qosol, Carrabkeennana gabay, Kolkaasaa quruumaha waxaa laga dhex yidhi, Rabbigu waxyaalo waaweyn ayuu iyaga u sameeyey.
-
3
Rabbigu wuxuu inoo sameeyey waxyaalo waaweyn, Oo aynu ku faraxsan nahay.
-
4
Rabbiyow, maxaabiisnimada mar kale nooga soo celi Sida durdurrada koonfureed.
-
5
Kuwa ilmada wax ku abuurtaa, farxad bay ku goosan doonaan.
-
6
Kii iska taga isagoo ooyaya oo abuurkiisa sita, Wuxuu soo noqon doonaa isagoo faraxsan oo xidhmooyinkiisa sita.