📖 Sabuurradii 122
-
1
Waan farxay markay igu yidhaahdeen, Ina keena, aan guriga Rabbiga tagnee.
-
2
Yeruusaalemay, cagahayagu Waxay taagan yihiin irdahaaga gudahooda,
-
3
Yeruusaalem waxaa loo dhisay Sida magaalo isku wada dheggan,
-
4
Halkaasay qabiilooyinka, oo ah qabiilooyinka Rabbigu kor ugu baxaan Inay Israa'iil u marag furaan, Iyo inay magaca Rabbiga ku mahadnaqaan.
-
5
Waayo, waxaa yaalla carshiyo garsoorid loo dhigay, Waana carshiyadii reerka Daa'uud.
-
6
Yeruusaalem nabad ugu duceeya. Kuwa ku jecelu way barwaaqoobi doonaan.
-
7
Nabadu ha ku jirto derbiyadaada gudahooda, Barwaaqona ha ku jirto daarahaaga dhaadheer.
-
8
Walaalahay iyo rafiiqyadayda daraaddood Ayaan hadda waxaan odhanayaa, Nabadu gudahaaga ha ku jirto.
-
9
Rabbiga Ilaahayaga gurigiisa daraaddiis Ayaan wanaaggaaga u doondooni doonaa.