📖 Sabuurradii 121
-
1
Buurahaan indhahayga ku taagi doonaa, Caawimaaddaydu xaggee bay ka iman doontaa?
-
2
Caawimaaddaydu waxay ka timaadaa Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka.
-
3
Isagu uma oggolaan doono in cagtaada la dhaqaajiyo, Kan ku dhawraa ma gam'i doono.
-
4
Bal eeg, kan reer binu Israa'iil dhawraa Ma gam'i doono, mana seexan doono.
-
5
Kan ku dhawraa waa Rabbiga, Rabbigu waa hooskaaga midigtaada taagan.
-
6
Qorraxdu maalinta waxba kuma yeeli doonto. Habeenkana dayaxu waxba kuma yeeli doono.
-
7
Rabbiga ayaa kaa dhawri doona shar kasta, Isagu wuxuu dhawri doonaa naftaada.
-
8
Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba Rabbigu wuxuu dhawri doonaa bixiddaada iyo soo geliddaadaba.