📖 Sabuurradii 119
-
1
Waxaa barakaysan kuwa jidka ku qumman, Oo sharciga Rabbiga ku socda.
-
2
Waxaa barakaysan kuwa dhawra markhaatifurkiisa, Oo Rabbiga ku doondoona qalbiga oo dhan.
-
3
Haah, oo xaqdarro ma sameeyaan, Jidadkiisase way ku socdaan.
-
4
Waxaad nagu amartay amarradaada, Inaan aad u dhawrno.
-
5
Aad baan u jeclaan lahaa in jidadkayga la hagaajiyo Inaan qaynuunnada dhawro!
-
6
Markaas anigu ceeboobi maayo, Markaan dhawro amarradaada oo dhan.
-
7
Markaan barto xukummadaada xaqa ah Ayaan qummanaanta qalbiga kuugu mahadnaqi doonaa.
-
8
Waxaan dhawri doonaa qaynuunnadaada, Rabbow, ha i dayrin weligay.
-
9
Bal nin dhallinyaro ahu muxuu jidkiisa ku nadiifiyaa? Waa inuu aad ugu fiirsado si eraygaaga waafaqsan.
-
10
Waxaan kugu doondoonay qalbigayga oo dhan, Yaanan amarradaada ka leexan.
-
11
Waxaan eraygaagii qalbigayga ugu kaydsaday Si aanan kuugu dembaabin.
-
12
Rabbiyow, adigaa mahad leh, Haddaba qaynuunnadaada i bar.
-
13
Waxaan bushimahayga ku sheegay Xukummadii afkaaga oo dhan.
-
14
Waxaan ku reyreeyey jidka markhaatifurkaaga, Sidaan ugu rayrayn lahaa taajirnimada oo dhan.
-
15
Waxaan aad ugu fiirsan doonaa amarradaada, Oo jidadkaagaan dhawri doonaa.
-
16
Qaynuunnadaada waan ku farxi doonaa, Eraygaagana ma illoobi doono.
-
17
Anoo addoonkaaga ah wax badan oo wanaagsan ii samee, si aan u noolaado, Oo sidaasaan eraygaaga u dhawri doonaa.
-
18
Indhahayga fur Si aan waxyaalo yaab badan sharcigaaga uga arko.
-
19
Socotaan dhulka ku ahay, Haddaba amarradaada ha iga qarin.
-
20
Naftaydu waxay u xiisootay Jacaylkay had iyo goorba u qabto xukummadaada.
-
21
Waxaad canaanatay kuwa kibirsan oo inkaaran, Oo amarrada ka leexda.
-
22
Cay iyo ceeb iga fogee, Waayo, markhaatifurkaaga waan xajiyey,
-
23
Oo weliba amiirraa fadhiistay oo wax iga gees ah ka wada hadlay, Laakiinse anoo addoonkaaga ah aad baan uga fiirsaday qaynuunnadaada.
-
24
Markhaatifurkaagu waa waxa iga farxiya, Waana lataliyayaashayda.
-
25
Naftaydu waxay ku dhegtaa ciidda, Haddaba ii noolee si eraygaaga waafaqsan.
-
26
Waxaan kuu sheegay jidadkaygii, oo adna waad ii jawaabtay, Bal qaynuunnadaada i bar.
-
27
Jidka amarradaada i garansii, Oo sidaasaan aad ugu fiirsan doonaa shuqulladaada yaabka badan.
-
28
Naftaydu waxay la dhacdaa murug, Haddaba ii xoogee si eraygaaga waafaqsan.
-
29
Jidka beenta iga fogee, Oo si raxmad leh sharcigaaga ii sii.
-
30
Waxaan doortay jidka aaminnimadaada, Oo waxaan hortayda dhigay xukummadaadii.
-
31
Markhaatifurkaaga waan xajiyaa, Rabbiyow, ha i ceebayn.
-
32
Waxaan ku ordi doonaa jidka amarradaada Markii aad qalbigayga ballaadhisid.
-
33
Rabbiyow, jidka qaynuunnadaada i bar, Waanan xajin doonaa tan iyo ugu dambaysta.
-
34
Waxgarasho i sii, oo anna sharcigaaga waan xajin doonaa, Haah, oo waxaan ku dhawri doonaa qalbigayga oo dhan.
-
35
Igu kexee waddada amarradaada, Waayo, kaasaan ku farxaa.
-
36
Qalbigayga u soo jeedi xagga markhaatifurkaaga, Oo ha u leexin xagga faa'iidada xaqdarrada ah.
-
37
Indhahayga inay fiiriyaan wax aan micne lahayn ka sii jeedi, Oo jidadkaaga igu noolee.
-
38
Eraygaaga ii xaqiiji anoo addoonkaaga ah Oo doonaya inaan kaa cabsado.
-
39
Caydayda aan ka cabsanayo iga leexi, Waayo, xukummadaadu waa wanaagsan yihiin.
-
40
Bal eeg, waxaan u xiisooday amarradaada, Haddaba xaqnimadaada igu soo noolee.
-
41
Rabbiyow, naxariistaada iyo weliba badbaadintaadu Ha iigu yimaadeen si eraygaaga waafaqsan.
-
42
Markaasaan jawaab u heli doonaa kan i caaya, Waayo, waxaan isku halleeyaa eraygaaga.
-
43
Oo erayga runta ahna dhammaantiis afkayga ha ka gooyn, Waayo, waxaan rajo ku qabay xukummadaada.
-
44
Markaasaan had iyo goorba dhawri doonaa sharcigaaga Weligay iyo weligayba.
-
45
Oo waxaan ku socon doonaa xorriyad, Waayo, waxaan doondoonay amarradaada.
-
46
Oo weliba waxaan markhaatifurkaaga ka sheegi doonaa boqorro hortooda, Mana ceeboobi doono.
-
47
Oo waxaan ku farxi doonaa amarradaada Aan jeclaaday.
-
48
Oo weliba waxaan gacmaha u hoorsan doonaa amarradaada aan jeclaaday, Oo aad baan ugu fiirsan doonaa qaynuunnadaada.
-
49
Xusuuso eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay, Oo aad igu rajo gelisay.
-
50
Oo taasu waa i qalbi qaboojisaa markii aan dhibaataysnahay, Waayo, eraygaagaa i soo nooleeyey.
-
51
Kuwa kibirsan aad bay iigu qosleen, Laakiinse sharcigaaga kama aan leexan.
-
52
Rabbiyow, tan iyo mar hore waxaan soo xusuusnaa xukummadaada, Waanan isqalbi qaboojiyey.
-
53
Aad baan u xanaaqay, Waana kuwa sharka leh oo sharcigaaga ka tegey aawadood.
-
54
Qaynuunnadaadu waxay ii ahaayeen heeso Markaan ku jiray gurigii aan socotada ku ahaa.
-
55
Rabbiyow, habeenkaan magacaaga soo xusuustay, Oo sharcigaagaan dhawray.
-
56
Taasu waa ii ahaatay, Maxaa yeelay, amarradaadii baan xajiyey.
-
57
Rabbigu waa qaybtayda, Oo anigu waxaan idhi, Waxaan dhawrayaa erayadaada.
-
58
Qalbigayga oo dhan ayaan kugu baryay inaad raalli iga ahaato, Si eraygaaga waafaqsan iigu naxariiso.
-
59
Waxaan ka fikiray jidadkayga, Kolkaasaan cagahayga u soo duway xagga markhaatifurkaaga.
-
60
Waan u degdegay, oo kama aan raagin Inaan amarradaada dhawro.
-
61
Waxaa isku kay duudduubay xadhkihii kuwa sharka leh, Laakiinse sharcigaaga ma aan illoobin.
-
62
Waxaan kici doonaa habeenbadhka inaan kugu mahadnaqo, Waana xukummadaada caddaaladda ah daraaddood.
-
63
Anigu waxaan wehel la ahay kuwa kaa cabsada oo dhan, Iyo kuwa amarradaada dhawraba.
-
64
Rabbiyow, dhulka waxaa ka buuxda naxariistaada, Haddaba qaynuunnadaada i bar.
-
65
Rabbiyow, anoo addoonkaaga ah waxaad iila macaamilootay Si wanaagsan oo eraygaaga waafaqsan.
-
66
Haddaba i bar kaladoorasho wanaagsan iyo aqoon, Waayo, waxaan rumaystay amarradaada.
-
67
Intaan lay dhibin ka hor ayaan ambaday, Laakiinse haatan eraygaaga waan dhawraa.
-
68
Waad wanaagsan tahay, oo wanaag baad samaysaa, Haddaba qaynuunnadaada i bar.
-
69
Kuwa kibirka lahu been bay iga sheegeen, Aniguse amarradaada ayaan ku xajin doonaa qalbigayga oo dhan.
-
70
Qalbigoodu wuu qallafsanaaday, Aniguse waxaan ku farxaa sharcigaaga.
-
71
Waa ii wanaagsanayd in lay dhibo, Si aan qaynuunnadaada u barto.
-
72
Sharciga afkaagu waa iiga sii fiican yahay Kumanyaal dahab iyo lacag ah.
-
73
Waxaa i sameeyey oo i qabanqaabiyey gacmahaaga, Haddaba i sii waxgarasho aan amarradaada ku barto.
-
74
Kuwa kaa cabsadaa way i arki doonaan, wayna farxi doonaan, Maxaa yeelay, waxaan rajo ku qabay eraygaaga.
-
75
Rabbiyow, waan ogahay in xukummadaadu ay xaq yihiin, Iyo inaad aaminnimo igu dhibtay.
-
76
Waan ku baryayaaye raxmaddaadu ha ii noqoto qalbiqaboojin Si waafaqsan eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay.
-
77
Naxariistaadu ha ii timaado si aan u noolaado, Waayo, waxaa iga farxiya sharcigaaga.
-
78
Kuwa kibirka lahu ha ceeboobeen, waayo, si gardarro ah ayay igu afgembiyeen, Aniguse waxaan aad uga fiirsan doonaa amarradaada.
-
79
Kuwa kaa cabsadaa ha ii soo noqdeen, Oo waxay ogaan doonaan markhaatifurkaaga.
-
80
Qalbigaygu qaynuunnadaada ha ku qummanaado, Si aanan u ceeboobin.
-
81
Naftaydu waa u taag darnaataa badbaadintaada aan u xiisoodo aawadeed, Laakiinse eraygaagaan rajo ku qabaa.
-
82
Sidii aan u lahaa, Goormaad i qalbi qaboojinaysaa? Ayaa indhahaygu u gudheen eraygaaga aawadiis.
-
83
Waayo, waxaan noqday sidii sibraar qiiq ku dhex jiro, Laakiinse innaba qaynuunnadaada ma aan illoobo.
-
84
Anoo addoonkaaga ah cimrigaygu waa intee? Oo goormaad xukun ku soo dejinaysaa kuwa i silciya?
-
85
Kuwa kibirka leh oo aan sharcigaaga waafaqsanayn Ayaa ii qoday godad.
-
86
Amarradaada oo dhammu waa wada daacad, Si gardarro ah ayay ii silciyaan, haddaba i caawi,
-
87
Dhulka ayay iga baabbi'in gaadheen, Aniguse kama aan tegin amarradaadii.
-
88
Raxmaddaada igu soo noolee, Oo anna waxaan dhawri doonaa markhaatifurka afkaaga.
-
89
Rabbiyow, eraygaagu weligiisba Wuxuu taagan yahay samada.
-
90
Aaminnimadaaduna waxay gaadhaa tan iyo ka ab ka ab; Dhulkaad dhistay, wuuna sii jirayaa.
-
91
Maantadan waxay u joogaan si qaynuunnadaada waafaqsan, Waayo, wax waluba waa addoommadaada.
-
92
Haddaanu sharcigaagu iga farxin, Waxaan kol hore ku halligmi lahaa dhibaatadii i haysatay.
-
93
Weligay amarradaada ma aan illoobi doono, Waayo, iyagaad igu soo noolaysay.
-
94
Anigu waxaan ahay kaaga, haddaba i badbaadi, Waayo, waxaan doondoonay amarradaada.
-
95
Kuwa sharka lahu way ii sugeen inay i baabbi'iyaan, Aniguse waxaan ka fiirsan doonaa markhaatifurkaaga.
-
96
Waxaan arkay in wax kasta oo kaamil ah ay dhammaad leeyihiin, Amarkaaguse aad buu u ballaadhan yahay.
-
97
Aad baan sharcigaaga u jeclahay! Maalinta oo dhan isagaan u fiirsadaa.
-
98
Amarradaadu waxay iga dhigaan ku ka sii caqli badan cadaawayaashayda. Waayo, weligayba way ila jiraan.
-
99
Waan ka sii waxgarasho badnahay macallimiintayda oo dhan, Waayo, waxaan u fiirsadaa markhaatifurkaaga.
-
100
Waan ka sii waxgarasho badnahay odayaasha, Waayo, waxaan xajiyey amarradaada.
-
101
Cagahayga waan ka joojiyey jid kasta oo shar leh, Si aan eraygaaga u dhawro.
-
102
Xukummadaada gees ugama aan leexan, Waayo, wax baad i bartay.
-
103
Erayadaadu dhanxanaggayga u macaan badanaa! Afkayga malab way uga sii macaan badan yihiin!
-
104
Amarradaada ayaan waxgarasho ku helaa, Oo sidaas daraaddeed ayaan jid kasta oo been ah u necbahay.
-
105
Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad, Waddooyinkaygana iftiin.
-
106
Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah.
-
107
Aad iyo aad baan u dhibaataysnahay, Haddaba Rabbiyow, igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.
-
108
Rabbiyow, waan ku baryayaaye, aqbal qurbaannada ikhtiyaarka ah oo afkayga, Xukummadaadana i bar.
-
109
Naftaydu had iyo goorba waxay ku jirtaa khatar, Habase yeeshee sharcigaaga ma illoobo.
-
110
Kuwa sharka lahu waxay ii dhigeen dabin, Laakiinse amarradaada kama aan amban.
-
111
Markhaatifurkaaga waxaan u qaatay sida dhaxal weligiis waaraya, Waayo, kaasu waxa weeye waxa qalbigaygu ku reyreeya.
-
112
Qalbigayga waxaan u jeediyey inaan qaynuunnadaada oofiyo, Tan iyo weligay iyo ilaa ugu dambaysta.
-
113
Waan necbahay kuwa labada qalbi leh, Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.
-
114
Waxaad tahay gabbaadkayga iyo gaashaankayga, Oo waxaan rajo ku qabaa eraygaaga.
-
115
Kuwiinna xumaanta falow, iga taga, Si aan amarrada Ilaahayga u xajiyo.
-
116
Rabbiyow, ii tiiri si eraygaaga waafaqsan si aan u noolaado, Oo yaanan rajadayda ku ceeboobin.
-
117
Kor ii hay, oo waan badbaadi doonaa, Oo had iyo goorba waxaan u fiirsan doonaa qaynuunnadaada.
-
118
Kuwa qaynuunnadaada ka habaabay oo dhan waad fudaydsatay, Waayo, khiyaanadoodu waa wax been ah.
-
119
Kuwa sharka leh oo dhulka oo dhan waxaad u fogaysaa sida wasakh oo kale, Oo sidaas daraaddeed baan markhaatifurkaaga u jeclahay.
-
120
Jidhkaygu wuxuu la gariiraa cabsidaada, Oo waxaan ka baqaa xukummadaada.
-
121
Waxaan sameeyey xukun iyo caddaalad, Haddaba ha iiga tegin kuwa i dulma.
-
122
Anoo addoonkaaga ah wanaag daraaddiis ii dammiino, Oo kuwa kibirsanu yaanay i dulmin.
-
123
Indhahaygii waxay u gudheen jacaylkay badbaadintaada u qabaan, Iyo eraygaaga xaqa ah daraaddiis.
-
124
Anoo addoonkaaga ah iila macaamilow si naxariistaada waafaqsan, Oo qaynuunnadaada i bar.
-
125
Waxaan ahay addoonkaaga, haddaba waxgarasho i sii, Si aan markhaatifurkaaga u ogaado.
-
126
Waa wakhtiga aad shaqayn lahayd, Rabbiyow, Waayo, sharcigaaga way buriyeen.
-
127
Haddaba amarradaada waan ka sii jeclahay Dahab, haah, xataa dahab saafi ah.
-
128
Sidaas daraaddeed amarradaada oo dhammu waxay ila yihiin wax hagaagsan, Oo waan necbahay jid kasta oo been ah.
-
129
Markhaatifurkaagu waa yaab badan yahay, Oo sidaas daraaddeed ayay naftaydu u xajisaa.
-
130
Erayadaada furniinkoodu wax buu iftiimiyaa, Oo wuxuu waxgarasho siiyaa kuwa garaadka daran.
-
131
Afka aad baan u kala qaaday, oo waan harraaday, Waayo, waxaan u xiisooday amarradaada.
-
132
Ii soo jeeso, oo ii naxariiso, Sidaad kuwa magacaaga jecel u samaysid.
-
133
Tallaabooyinkayga ku toosi eraygaaga, Oo dembina yaanu ii talin.
-
134
Dadka dulmigiisa iga bixi, Oo anna waxaan dhawri doonaa amarradaada.
-
135
Anoo addoonkaaga ah wejigaaga iigu iftiimi, Oo qaynuunnadaada i bar.
-
136
Indhahayga waxaa ka shubma durdurro biyo ah, Maxaa yeelay, sharcigaaga lama dhawrin.
-
137
Rabbiyow, xaq baad tahay, Oo xukummadaaduna waa qumman yihiin.
-
138
Markhaatifurkaaga waxaad ku amartay xaqnimo Iyo daacadnimo oo dhan.
-
139
Waxaa i baabba'shay qiirada aan kuu qabo, Maxaa yeelay, cadaawayaashaydu waxay illoobeen erayadaada.
-
140
Eraygaagu aad buu u daahirsan yahay, Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah waan jeclahay.
-
141
Anigu waan yarahay, oo waa lay quudhsadaa, Laakiinse amarradaada ma illoobo.
-
142
Xaqnimadaadu waa xaqnimo weligeed sii waaraysa, Oo sharcigaaguna waa run.
-
143
Dhib iyo cidhiidhi baa i qabsaday. Laakiinse amarradaadu waa waxa iga farxiya.
-
144
Markhaatifurkaagu weligiisba waa xaq, Haddaba waxgarasho i sii, oo anna waan sii noolaan doonaa.
-
145
Waxaan ku qayshaday qalbigayga oo dhan, haddaba Rabbiyow, ii jawaab, Oo anna waxaan xajin doonaa qaynuunnadaada.
-
146
Waan kuu qayshaday ee i badbaadi, Oo markhaatifurkaaga waan dhawri doonaa.
-
147
Waan ka soo hor maray waaga berigiisii, oo waan qayliyey, Oo waxaan rajo ku qabay erayadaada.
-
148
Indhahaygu way ka hor mareen wakhtiga la soo jeedo oo habeennimo, Si aan eraygaaga uga fikiro.
-
149
Codkayga u maqal si raxmaddaada waafaqsan, Rabbiyow, igu soo noolee si xukummadaada waafaqsan.
-
150
Kuwii xumaatada raaci jiray way soo dhowaanayaan, Iyagu sharcigaaga way ka fog yihiin.
-
151
Rabbiyow, adigu waad dhow dahay, Oo amarradaada oo dhammuna waa wada run.
-
152
Waxaan markhaatifurkaaga waa hore ka iqiin Inaad u aasaastay si ay weligood u sii waaraan.
-
153
Dhibaatadayda ka fiirso oo i samatabbixi, Waayo, anigu sharcigaaga ma illoobo.
-
154
Dacwadayda ii muddac, oo i soo furo, Igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.
-
155
Kuwa sharka leh badbaadadu waa ka fog tahay, Waayo, qaynuunnadaada ma ay doondoonaan.
-
156
Rabbiyow, naxariistaadu waa badan tahay, Igu soo noolee si xukummadaada waafaqsan.
-
157
Kuwa i silciya iyo cadaawayaashayduba way badan yihiin, Laakiinse anigu kama aan leexan markhaatifurkaaga.
-
158
Waxaan arkay khaa'innada, kolkaasaan murugooday, Maxaa yeelay, iyagu eraygaaga ma ay dhawraan.
-
159
Bal ka fiirso sida aan amarradaada u jeclahay, Rabbiyow, igu soo noolee si raxmaddaada waafaqsan.
-
160
Eraygaaga dhammaantiisu waa run, Mid kasta oo xukummadaada xaqa ah ka mid ahu wuu sii waaraa weligiisba.
-
161
Amiirraa sababla'aan ii silciyey, Laakiinse qalbigaygu wuxuu ka baqaa erayadaada.
-
162
Waxaan eraygaaga ugu reyreeyaa Sidii mid booli badan helay.
-
163
Beenta waan necbahay oo waan karahsaday, Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.
-
164
Maalintiiba toddoba jeer baan ku ammaanaa, Waana xukummadaada xaqa ah daraaddood.
-
165
Kuwa sharcigaaga jecelu waxay haystaan nabad weyn, Oo wax iyaga turuntureeyaa ma jiraan.
-
166
Rabbiyow, badbaadintaada waan u xiisooday, Oo amarradaadiina waan oofiyey.
-
167
Naftaydu waxay dhawrtay markhaatifurkaaga, Oo anna aad iyo aad baan u jeclahay.
-
168
Waxaan dhawray amarradaada iyo markhaatifurkaaga, Waayo, jidadkayga oo dhammu hortaaday wada yaalliin.
-
169
Rabbiyow, qayladaydu ha ku soo dhowaato hortaada, Oo waxgarasho ii sii si eraygaaga waafaqsan.
-
170
Baryootankaygu hortaada ha yimaado, Oo ii samatabbixi si eraygaaga waafaqsan.
-
171
Bushimahaygu ammaan ha ku hadleen, Waayo, waxaad i bartaa qaynuunnadaada.
-
172
Carrabkaygu ha ku gabyo eraygaaga, Waayo, amarradaada oo dhammu waa wada xaqnimo.
-
173
Gacantaadu diyaar ha u ahaato inay i caawiso, Waayo, amarradaadaan doortay.
-
174
Rabbiyow, badbaadintaada, waan u xiisooday, Oo sharcigaaguna waa waxa iga farxiya.
-
175
Naftaydu ha iska noolaato, wayna ku ammaani doontaa, Oo xukummadaaduna ha i caawiyaan.
-
176
Waxaan u hallaabay sidii lax luntay, haddaba anigoo addoonkaaga ah i doondoon, Waayo, amarradaada ma aan illoobo.