📖 Sabuurradii 118
-
1
Rabbiga ku mahadnaqa, maxaa yeelay, isagu waa wanaagsan yahay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way waartaa.
-
2
Haddaba reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen, Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
-
3
Oo reerka Haaruun hadda ha yidhaahdeen, Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
-
4
Oo kuwa Rabbiga ka cabsadaa hadda ha yidhaahdeen, Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
-
5
Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday, Markaasaa Rabbigu ii jawaabay, oo wuxuu i taagay meel ballaadhan.
-
6
Rabbigu waa ila jiraa, oo anigu ma cabsan doono, Bal maxaa dad igu samayn karaa?
-
7
Rabbigu waa ila jiraa, oo wuxuu ku dhex jiraa kuwa i caawinaya, Haddaba waxaan kuwa i neceb ku arki doonaa waxaan doonayo.
-
8
Intii dad lagu kalsoonaan lahaa Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo.
-
9
Intii amiirro lagu kalsoonaan lahaa Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo.
-
10
Quruumihii oo dhammu way i wada hareereeyeen, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.
-
11
Way i hareereeyeen, haah, oo way i hareereeyeen, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.
-
12
Waxay ii hareereeyeen sida shinni oo kale, oo iyaga waxaa loo demiyey sida dabka qodxanta oo kale, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.
-
13
Adigu aad baad igu mudday si aan u dhaco aawadeed, Laakiinse Rabbigaa i caawiyey.
-
14
Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga, Oo wuxuu ii noqday badbaadadayda.
-
15
Kuwa xaq ah teendhooyinkooda waxaa ku jira codkii rayraynta iyo badbaadada, Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
-
16
Gacanta midig oo Rabbiga waa la sarraysiiyey, Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
-
17
Anigu ma dhiman doono, laakiinse waan noolaan doonaa, Oo waxaan sheegi doonaa shuqullada Rabbiga.
-
18
Rabbigu aad buu ii edbiyey, Laakiinse dhimasho iima uu dhiibin.
-
19
Irdaha xaqnimada iga fura, Oo anna waan geli doonaa, oo Rabbigaan ku mahadnaqi doonaa.
-
20
Tanu waa iriddii Rabbiga, Oo waxaa geli doona kuwa xaqa ah.
-
21
Waan kugu mahadnaqi doonaa, waayo, waad ii jawaabtay, Oo waxaad ii noqotay badbaadadayda.
-
22
Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen, Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka.
-
23
Tanu xagga Rabbiga bay ka timid, Oo waa ku yaab indhahayaga.
-
24
Tanu waa maalinta Rabbigu sameeyey, Waannu rayrayn doonnaa oo waannu farxi doonnaa.
-
25
Rabbiyow, waan ku baryaynaaye, haatan na badbaadi, Oo waan ku baryaynaaye, Rabbiyow, haatan barwaaqo noo soo dir.
-
26
Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya, Waxaannu idinka ammaannay guriga Rabbiga.
-
27
Rabbigu waa Ilaah, oo wuxuu na siiyey iftiin, Allabariga xadhko ku xidha tan iyo meesha allabariga geeseheeda.
-
28
Waxaad tahay Ilaahay, oo anna waan kugu mahadnaqi doonaa, Waxaad tahay Ilaahay, oo waan ku sarraysiin doonaa.
-
29
Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa.