📖 Sabuurradii 113
-
1
Rabbiga ammaana. Rabbiga addoommadiisow, ammaana. Rabbiga magiciisa ammaana.
-
2
Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba Rabbiga magiciisu mahad ha lahaado.
-
3
Qorraxdu markay soo baxdo iyo markay dhacdo inta ka dhex leh Magaca Rabbiga waa in la ammaano.
-
4
Rabbigu quruumaha oo dhan wuu ka wada sarreeyaa, Ammaantiisuna samooyinka way ka sii sarraysaa.
-
5
Bal yaa la mid ah Rabbiga Ilaaheenna ah, Oo kursigiisa ku leh xagga sare,
-
6
Oo hoos u eega Waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka yaalba?
-
7
Wuxuu miskiinka kor uga qaadaa ciidda, Oo kan baahanna wuxuu sara uga qaadaa meesha digada,
-
8
Inuu isaga la fadhiisiyo amiirro, Kuwaas oo ah amiirrada dadkiisa.
-
9
Oo naagtii madhalays ahna wuxuu ka dhigaa inay reer hayso, Iyo inay ahaato hooyo faraxsan oo carruur leh. Rabbiga ammaana.