📖 Sabuurradii 108
-
1
Ilaahow, qalbigaa ii fadhiya, Waan gabyi doonaa, haah, waxaan kuugu gabyi doonaa ammaantayda.
-
2
Shareerad iyo kataaradow, toosa, Aroorta hore waan toosi doonaa.
-
3
Rabbiyow, mahad baan kuugu naqi doonaa dadyowga dhexdooda, Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa quruumaha dhexdooda.
-
4
Waayo, naxariistaadu way ku weyn tahay samooyinka korkooda, Oo runtaaduna waxay gaadhaa ilaa daruuraha.
-
5
Ilaahow, samooyinka ka sarree, Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso,
-
6
Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan aawadeed, Gacantaada midig ku badbaadi, oo ii jawaab.
-
7
Ilaah wuxuu ku hadlay quduusnimadiisa oo yidhi, Anigu waan farxi doonaa, Shekem waan kala qaybin doonaa, oo waxaan qiyaasi doonaa dooxada Sukod,
-
8
Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh, Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga, Yahuudahna waa ushaydii boqornimo.
-
9
Moo'aab waa weelkaygii aan ku maydhan jiray, Edomna kabahaygaan ku dul tuuri doonaa, Oo Falastiinna waan ku qaylin doonaa.
-
10
Bal yaa i geeyn doona magaalada deyrka leh? Yaase xagga Edom ii kaxayn doona?
-
11
Ilaahow, sow nama aadan xoorin? Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada.
-
12
Cadowga naga caawi, Waayo, binu-aadmiga caawimaaddiisu waxtar ma leh.
-
13
Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonnaa, Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona.