📖 Sabuurradii 105
-
1
Rabbiga ku mahadnaqa, oo magiciisa ku barya, Falimihiisana dadyowga ka dhex sheega.
-
2
Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya, Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.
-
3
Ku faana magiciisa quduuska ah, Kuwa Rabbiga doondoona qalbigoodu ha reyreeyo.
-
4
Rabbiga iyo xooggiisa doondoona, Oo weligiinba wejigiisa doondoona.
-
5
Xusuusta shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey, Iyo cajaa'ibyadiisii iyo xukummadii afkiisa,
-
6
Kuwiinna farcankii addoonkiisii Ibraahim ahow, Kuwiisa uu doortay oo reer Yacquub ahow.
-
7
Isagu waa Rabbiga Ilaaheenna ah, Xukummadiisuna waxay ku jiraan dhulka oo dhan.
-
8
Axdigiisuu soo xusuustay weligiisba, Kaasoo ah hadalkiisii uu kun farcan ku amray,
-
9
Kaasu waa axdigii uu Ibraahim la dhigtay, Oo uu Isxaaq ugu dhaartay,
-
10
Oo isla kaas wuxuu u adkeeyey oo qaynuun uga dhigay Yacquub, Oo Israa'iilna wuxuu uga dhigay axdi weligiis jiraya,
-
11
Oo wuxuu ku yidhi, Dalka Kancaan waxaan kuu siinayaa Inuu ahaado qaybtii dhaxalkiinna,
-
12
Markay dad tiro yar ahaayeen, Oo ay aad u yaraayeen, qariibna dalka ku ahaayeen,
-
13
Oo iyagu quruunba quruun bay uga bexeen, Oo intay boqortooyo ka tageen ayay dad kale u gudbeen.
-
14
Isagu ninna uma oggolaanin inuu wax yeelo, Haah, oo daraaddood ayuu boqorro u canaantay,
-
15
Oo wuxuu ku yidhi, Ha taabanina kuwayga subkan, Oo nebiyadaydana waxba ha yeelina.
-
16
Dhulkiina abaar buu ugu yeedhay inay ku dhacdo, Ushii cuntada oo ay ku tiirsanaayeen oo dhanna wuu wada jebiyey.
-
17
Oo nin buu iyaga ka sii hor diray, Kaas oo ahaa Yuusuf oo loo iibiyey addoon ahaan.
-
18
Cagihiisii waxay ku xanuujiyeen bircago, Oo naftiisii waxay gashay silsilado bir ah,
-
19
Ilaa wakhtigii eraygiisu noqday Eraygii Rabbiga ayaa isaga tijaabiyey.
-
20
Markaasaa boqorkii u cid diray oo furay, Kaas oo ahaa taliyihii dadyowga, wuuna sii daayay.
-
21
Oo wuxuu isagii ka dhigay sayidkii reerkiisa, Iyo taliyihii maalkiisa oo dhan,
-
22
Inuu amiirradiisa xidho markuu doonayoba, Oo uu odayaashiisana xigmad baro.
-
23
Israa'iilna wuxuu yimid dalkii Masar, Yacquubna wuxuu qariib ahaan u joogay dalkii Xaam.
-
24
Oo isagu dadkiisii aad buu u badiyey, Oo wuxuu ka dhigay inay ka xoog bataan cadaawayaashoodii.
-
25
Qalbigoodii wuxuu u beddelay si ay dadkiisa u nebcaadaan, Iyo si ay addoommadiisa u khiyaaneeyaan.
-
26
Wuxuu u soo diray addoonkiisii Muuse, Iyo Haaruun oo uu doortay.
-
27
Oo waxay dhexdooda ku sameeyeen calaamooyinkiisii, Oo dalkii Xaamna waxay ku sameeyeen yaabab.
-
28
Wuxuu u soo diray gudcur, dalkiina gudcur buu ka dhigay, Oo iyana hadalkiisii kuma ay caasiyoobin.
-
29
Biyahoodii wuxuu u beddelay dhiig, Oo kalluunkoodiina wuu wada laayay.
-
30
Rahyo waa ku bateen dhulkoodii Iyo qolalka boqorkoodiiba.
-
31
Isagu waa hadlay, markaasaa waddankoodii oo dhan Waxaa yimid duqsi faro badan iyo injir.
-
32
Oo roob ahaan wuxuu u siiyey roob dhagaxyaale, Dalkoodiina wuxuu ku soo daayay dab ololaya.
-
33
Wuxuu wax ku dhuftay geedahoodii canabka ahaa iyo geedahoodii berdaha ahaaba, Oo dhirtii waddankooda ku tiilna wuu jejebiyey.
-
34
Wuu hadlay, markaasaa waxaa yimid ayax, Iyo diir aan la tirin karin,
-
35
Oo waxay wada cuneen geedo yaryar oo kasta oo dalkooda ku yiil, Wayna dhammaysteen midhihii dhulkooda.
-
36
Oo weliba wuxuu wada laayay curadyadii dalkooda oo dhan, Kuwaas oo ahaa bilowgii xooggooda.
-
37
Oo wuxuu dibadda u bixiyey reer binu Israa'iil iyagoo wata lacag iyo dahab, Oo qabiilooyinkiisiina mid taagdarani kuma uu jirin.
-
38
Reer Masarna way ku farxeen kolkay ambabbexeen, Waayo, cabsidoodii baa ku dhacday.
-
39
Wuxuu korkooda ku kala bixiyey daruur inay qariso, Iyo dab habeenkii iftiin u noqda.
-
40
Wax bay weyddiisteen, markaasuu u keenay digaag duur, Oo wuxuu ka dhergiyey kibistii samada.
-
41
Dhagaxii ayuu dillaaciyey, markaasay biyo ka soo buqdeen, Oo meelihii engegnaa ayay ku durdureen sidii webi oo kale.
-
42
Waayo, wuxuu soo xusuustay eraygiisii quduuska ahaa, Oo uu kula hadlay addoonkiisii Ibraahim.
-
43
Dadkiisiina wuxuu soo bixiyey iyagoo faraxsan, Kuwii uu doortayna iyagoo gabyaya.
-
44
Oo wuxuu iyagii siiyey dalalkii quruumaha, Oo iyana waxay hanti ahaan u qaadeen waxay dadyowgu ku hawshoodeen,
-
45
Inay amarradiisa dhawraan, Oo ay qaynuunnadiisa xajiyaan. Rabbiga ammaana.