📖 Sabuurradii 100
-
1
Inta dhulka deggan oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya.
-
2
Rabbiga farxad ugu adeega, Oo hortiisa gabay la kaalaya.
-
3
Ogaada in Rabbigu Ilaah yahay, Waxaa ina sameeyey isaga, oo waxaynu nahay kuwiisii, Waxaynu nahay dadkiisii iyo idihii daaqsintiisa.
-
4
Irdihiisa mahadnaqid la gala, Barxadihiisana ammaan. Isaga u mahadnaqa, oo magiciisa ammaana.
-
5
Waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, naxariistiisuna weligeed way sii waartaa, Aaminnimadiisuna tan iyo ka ab ka ab.