12Oo wakhtigii Yooyaaqiim waxaa jiray wadaaddo qabiilooyin madax u ahaa; waxaa reer Seraayaah u ahaa Meraayaah, reer Yeremyaahna Xananyaah,
13reer Cesraana Meshullaam, reer Amaryaahna Yehooxaanaan,
14reer Meliikuuna Yoonaataan, reer Shebanyaahna Yuusuf,
15reer Haarimna Cadnaa, reer Meraayoodna Xelqay,
16reer Iddona Sekaryaah, reer Ginnetoonna Meshullaam,
17reer Abiiyaahna Sikrii, reer Minyaamiinna, reer Moocadyaahna Filtay,
18reer Bilgaahna Shammuuca, reer Shemacyaahna Yehoonaataan,
19reer Yooyaariibna Matenay, reer Yedacyaahna Cusii,
20reer Sallayna Qallay, reer Caamooqna Ceeber,
21reer Xilqiyaahna Xashabyaah, reer Yedacyaahna Netaneel.
22Oo kuwii reer Laawi oo joogay wakhtigii Eliyaashiib, iyo Yooyaadaac, iyo Yooxaanaan iyo Yadduuca waxay ahaayeen madaxda qabiilooyinka oo la qoray; waxaa kaloo la qoray wadaaddadii joogay ilaa boqornimadii Daariyus kii reer Faaris ahaa.
23Kuwii reer Laawi oo ahaa madaxdii qabiilooyinka waxaa lagu qoray kitaabkii taariikhda tan iyo wakhtigii Yooxaanaan oo ahaa ina Eliyaashiib.
24Oo kuwii reer Laawi madaxda u ahaa waxay ahaayeen Xashabyaah, iyo Sheereebyaah, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Qadmii'eel, iyo walaalahoodii iyaga ka soo hor jeeday inay Ilaah ammaanaan oo ay u mahadnaqaan, siduu amray Daa'uud oo ahaa ninkii Ilaah, iyagoo iska soo hor jeeda.
35iyo wiilashii wadaaddada qaarkood oo turumbooyin wata, kuwaasoo ahaa Sekaryaah oo ahaa ina Yoonaataan, ina Shemacyaah, ina Matanyaah, ina Miikaayaah, ina Sakuur, ina Aasaaf,
37Oo xagga Iriddii Isha Biyaha iyo hortoodii ku qummanayd ayay kor u fuuleen jaranjaradii magaalada Daa'uud meesha derbiga laga fuulo oo ka korraysa gurigii Daa'uud, iyo ilaa Iridda Biyaha oo xagga bari ah.
38Oo kooxdii kale oo kuwa mahadda naqaa waxay u kaceen inay ka hor tagaan, oo anna iyagaan daba socday; aniga iyo dadkii badhkiis waxaannu soconnay derbiga korkiisa, xagga ka sarraysa Munaaradda Foornooyinka iyo xataa tan iyo derbiga ballaadhan,
43Oo maalintaas waxaa la bixiyey allabaryo badan, oo waa la wada farxay, waayo, Ilaah baa farxad weyn kaga farxiyey, oo dumarkii iyo carruurtiina way farxeen, sidaas daraaddeed Yeruusaalem farxaddeedii waxaa laga maqlay meel fog.
44¶ Oo maalintaas ayaa rag loo doortay inay u taliyaan qolalka khasnadaha, iyo qurbaannada kor loo qaado, iyo midhaha ugu horreeya, iyo meeltobnaadyada, si loogaga soo ururiyo beeraha magaalooyinka oo dhan qaybihii sharcigu u amray wadaaddada iyo kuwii reer Laawi, waayo, dadka dalka Yahuudah way ku faraxsanaayeen wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi oo adeegayay.
46Waayo, waagii hore oo ahaa wakhtigii Daa'uud iyo Aasaaf waxaa jiri jiray nin madax u ahaa kuwii gabayaaga ahaa, oo waxaa Ilaah loogu gabyi jiray gabayo ammaan iyo mahadnaqid ah.
47Oo wakhtigii Serubaabel iyo wakhtigii Nexemyaah reer binu Israa'iil oo dhammu way wada bixin jireen qaybihii kuwii gabayaaga ahaa iyo kuwii irid-dhawryadaba intii maalin kasta loo baahnaan jiray; oo in bay gooni uga dhigeen reer Laawi, oo reer Laawina in bay gooni uga dhigeen reer Haaruun.