1¶ Kii wax burburinayay waa u soo baxay hortiinna. Qalcaddiinna dhawra, oo jidka ilaaliya, oo guntiga isku giijiya, oo xooggiinnana si weyn u adkeeya.
2Waayo, Rabbigu sharaftii reer Yacquub wuu u soo celinayaa sidii sharaftii reer binu Israa'iil oo kale, waayo, kuwii wax dhici jiray ayaa dhacay, oo laamahoodii canabka ahaana way wada baabbi'iyeen.
3Oo raggiisa xoogga badan gaashaankoodiina waa la caseeyey, oo ragga dagaalyahanka ahuna waxay xidhaan dhar guduudan, oo maalintii isdiyaarintiisana gaadhifardoodyadu waa bir widhwidha, oo warmihiina waa loo ruxay si cabsi badan.
4Gaadhifardoodyada ayaa jidadka dhexdooda ka gurdamaya, oo jidadka balballaadhan ayaa midkoodba kan kale ku cidhiidhinaya, oo muuqashadooduna waa sida qori iftiimaya oo kale, waxayna u ordayaan sida hillaaca oo kale.
5Wuxuu xusuustaa geesiyaashiisii, way turunturoodaan markay socdaan, oo derbigay ku degdegayaan, gabbaadkana waa la diyaariyey.
6Irdihii webiyaashu way furmeen, oo gurigii boqorkuna waa baabba'ay.
7Husab waa qaawan tahay, iyadii waa la kaxaystay, oo addoommaheediina waxay ugu musannaabayaan cod u eg midka qoolleyda oo kale, laabtana way garaacayaan.
8Laakiinse Nineweh waxay tan iyo waagii hore ahaan jirtay sidii balli biya ah, habase yeeshee way cararayaan. Waxaa lagu qayliyaa, War jooga, jooga! laakiinse ninna dib uma eego.