5Buuruhu way ka gariiraan isaga, oo kuruhuna way dhalaalaan, oo dhulka xataa dunida iyo waxa deggan oo dhammuba way ku rogmadaan hortiisa.
6¶ Bal yaa dhirifkiisa is-hor taagi kara? Oo bal yaa u adkaysan kara kulaylka cadhadiisa? Cadhadiisu waa u daadatay sidii dab oo kale, oo dhagaxyada waaweynna isagaa kala dildillaacshay.
8Laakiinse meesheeda wuxuu ku baabbi'in doonaa daad soo buuxdhaafay, oo cadaawayaashiisana wuu u eryan doonaa gudcurka dhexdiisa.
9War maxaad Rabbiga la damacsan tihiin? Isagu wuu wada baabbi'in doonaa. Dhibaatana mar labaad soo ma kici doonto.
10Waayo, in kastoo ay la mid yihiin qodxan isku wada murugsan, oo ay yihiin sidii kuwo cabniinkoodii ku sakhraamay, haddana waxaa loo wada baabbi'in doonaa sidii bal engegay.
11Waxaa kaa soo baxay mid Rabbiga wax shar ah u fikira, oo xumaato ku taliya.
12¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, In kastoo ay xoog badan yihiin oo weliba ay tiro badan yihiin, haddana iyaga waa la wada gooyn doonaa, oo isna wuu dhammaan doonaa. In kastoo aan idin dhibay, mar dambe idin dhibi maayo.