7Markaasaa malaa'igtii waxay igu tidhi, War, maxaad u yaabtay? Waxaan kuu sheegi doonaa qarsoodiga naagta iyo bahalka iyada sida oo leh toddobada madax iyo tobanka gees.
8Bahalkii aad aragtay wuu jiray, haddase ma jiro; oo wuxuu dhowaan ka soo bixi doonaa yamayska, oo wuxuu tegi doonaa halaag. Oo kuwa dhulka jooga oo aan magacooda lagu qorin kitaabka nolosha waagii dunida la aasaasay, markay bahalka arkaan waxay la yaabi doonaan siduu markii hore u jiray, oo uusan haatan u jirin, oo uu hadda ka dib u jiri doono.
9¶ Waa kan maanka xigmadda lihi. Toddobada madax waa toddoba buurood oo ay naagtu ku fadhiisato; oo iyagu waxa weeyaan toddoba boqor;
10shantood way dhaceen, midna wuu joogaa, midkii kalena weli ma iman; oo markuu yimaado, in yar buu sii jiri doonaa.
11Oo bahalkii markii hore jiray oo aan haatan jirin, isaga qudhiisuna waa mid siddeedaad oo toddobaduu ka mid yahay; oo wuxuu tegi doonaa halaag.