4si ay sadaqaddaadu u qarsoonaato, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arka ayaa kuu abaalgudi doona.
5¶ Oo goortaad tukanaysaan, ha ahaanina sida labawejiilayaasha, waayo, waxay jecel yihiin inay tukadaan iyagoo taagan sunagogyada iyo meesha jidadku isku gooyaan si ay dadka ugu muuqdaan. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen.
6Laakiin adigu goortaad tukanaysid, qolkaaga qarsoon gal, oo goortaad albaabkaaga xidhid, Aabbahaaga meesha qarsoon ku jira bari, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arka ayaa kuu abaalgudi doona.
7Goortaad tukanaysaan hadalka ha ku celcelinina sida dadka aan Ilaah aaminin yeelaan, waayo, waxay u malaynayaan in loo maqlayo hadalkooda badan aawadiis.
8Sidaa darteed ha ahaanina sidooda oo kale, waayo, Aabbihiin waa og yahay waxaad u baahan tihiin intaanad weyddiin.
9¶ Haddaba sidatan u tukada, Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado.
10Boqortooyadaadu ha timaado, doonistaada dhulka ha lagu yeelo sida jannada loogu yeelo.
11Kibis maalin nagu filan, maanta na sii.
12Oo naga cafi qaamahayaga sidaannu u cafinnay kuwa noo qaamaysan.
13Oo jirrabaadda ha noo kaxayn, laakiin sharka naga du. Waayo, boqortooyada iyo xoogga iyo ammaanta adigaa leh weligaa. Aamiin.
14¶ Waayo, haddaad dadka u cafidaan xumaantooda, Aabbihiinna jannada ku jira ayaa idin cafiyi doona.
16¶ Kolkaad soontaan ha ahaanina sida labawejiilayaashu u fool qulubsan yihiin, waayo, way isfoolxumeeyaan si ay dadka ugu muuqdaan inay sooman yihiin. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen.
17Laakiin adigu goortaad soontid, madaxaaga saliid marso oo fool dhaqo,
24¶ Ninna laba sayid uma shaqayn karo, waayo, mid buu nacayaa, kan kalena wuu jeclaanayaa, ama mid buu la jirayaa, kan kalena wuu quudhsanayaa. Uma wada shaqayn kartaan Ilaah iyo maal.
25Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Ha ugu welwelina naftiinna waxaad cuni doontaan, iyo waxaad cabbi doontaan, jidhkiinnana ha ugu welwelina waxaad u huwan doontaan. Naftu miyaanay ka roonayn cuntada, jidhkuna miyaanu ka roonayn dharka?
26Shimbirraha cirka eega, waayo, waxba ma beeraan, waxna ma gurtaan, maqsinnona waxba kuma urursadaan, oo Aabbihiinna jannada ku jira ayaa cunto siiya. Idinku miyaydnaan ka roonayn?
27Midkiinnee intuu welwelo dhererkiisa dhudhun ku dari kara?
28¶ Maxaad dharka ugu welweshaan? Fiiriya ubaxyada duurka siday u baxaan, ma ay shaqeeyaan, ma ayna miiqdaan.
30Laakiin haddii Ilaah sidaa u huwiyo cawska maanta duurka ku yaal oo berrito moofada lagu ridayo, sidee ka badan ayuu idiin huwinayaa, rumaysadyarayaalow?
31Sidaa darteed ha ku welwelina, idinkoo leh, Maxaannu cunaynaa? ama, Maxaannu cabbaynaa? ama, Maxaannu huwanaynaa?
32Waayo, quruumuhu waxaas oo dhan ayay doondoonaan. Aabbihiinna jannada ku jiraa waa og yahay inaad waxaas oo dhan u baahan tihiin.