18¶ Markuu badda Galili ag marayay wuxuu arkay laba walaalo ah, Simoon kii Butros la odhan jiray iyo Andaros oo ahaa walaalkiis, iyagoo shabag badda ku tuuraya, waayo, waxay ahaayeen kalluumaystayaal.
19Oo wuxuu ku yidhi, I soo raaca, waxaan idinka dhigayaa kuwa dadka jillaabta.
20Markiiba intay shabagyadii ka tageen, ayay raaceen isagii.
21Markuu meeshaas hore uga socday wuxuu arkay laba kale oo walaalo ah, Yacquub ina Sebedi iyo walaalkiis Yooxanaa, iyagoo aabbahood doonnida kula jira oo shabagyadoodii hagaajinaya, wuuna u yeedhay.
22Markiiba doonnidii iyo aabbahood way ka soo tageen oo way raaceen.
23¶ Ciise ayaa Galili oo dhan ku wareegay, isagoo sunagogyadooda wax ku baraya oo injiilka boqortooyadii ku wacdiyaya oo bukaan oo dhan iyo cudur oo dhan bogsiinaya dadka dhexdiisa.